4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2016
Magaalada Boosaaso oo Deggen iyo Maamulka gobolka Bari oo ka hadlay Rabshado ka Dhacay


Talaado, Feberaayo 02, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado) ayaa ka warbixiyay dibad-baxyo rabshada wata oo shalay galinkii hore ka dhacay degmada Boosaaso, kuwaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida uu sheegay guddoomiyuhu rabshadahan ku geeriyooday sarkaal ka tirsanaa ciidamada Daraawiish-ta Puntland oo lagu Magacaabi jiray, Cabdi Gaacshe (Goro-goro) iyo gabar da’ yar oo dhiganaysay Iskuul ku yaala xaafadda ay rabshaduhu ka qarxeen.

“Mudaharaadkan waxaa soo abaabulay lix Qof oo uu ka mid-yahay Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan, waxaana dabada ka riixaya dad Qaswadayaal ah,” ayuu yiri Dhado oo shir isugu yeeray warbaahinta.

“Dadka arrintaan sameeyay waxaa laga soo adeegsaday meelo kale, Waxaanan idiin sheegi in dadka gobolka iyo kuwa Puntland aysan wax dana u hayn ,waxa kaliya ee ay doonayaan waa xil iyo dhaqaale “ ayuu mar kale yiri Dhado oo si faah-faahsan uga hadlay rabshadihii dhacay.

Tirada ku dhaawacantay rabshadihii dhacay ayuu ku sheegay in ay gaarayso labo qof oo ka tirsanaa Ciidanka Ammaanka gobolka, waxaana uu sheegay in “Dad wax-ma-garad ah“ ay taayaro ku gubeen laamiga gudihiisa, taasoo markii danbe sababtay in uu istaago isku- socodkii dadweynaha iyo gaadiidkaba.

“Laga billaabo xilligan aan hadlayo qof-na loogu dulqaadan maayo in uu burburiyo hantida Ummadda Soomaliyeed, waana ka hor-tagaynaa gacan bir-ahna waan ku qabanaynaa“ ayaa ka mid ahaa hadalada gudoomiyaha.

Ugu danbayn, Maamulka Gobolka ayaa sheegay inay ku Raad-joogaan Cabdisamad Gallan oo la sheegay inuu ka baxsaday gurigiisa, waxaana ciidamada Ammaanka ay dhowr jeer oo hore is-hortaageen shirar ka dhici lahaa Magaalada oo uu soo Abaabulay Gallan oo horey u sheegay in uu raadinayo xaq kamaqan dadka dagan gobolkan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]