4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2016
KENYA: Dagaal-yahano ka Tirsanaa Al-shabaab ayaan ku dilnay deegaanka keynleyda ah ee Boni


Talaado, Feberaayo 02, 2016 (HOL) — Saraakiisha Booliiska Kenya ayaa waxay sheegeen maanta in Afar Ruux oo looga shakisan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin ay ku dileen deegaanka kaynta badan ee Boni, kuwaasoo ay sheegeen in ay horay u Afduubeen gaari ay leeyihiin booliisku iyo khasnado hub ah.

Afhayeenka millateriga dalka Kenya, Col. David Obonyo ayaa sheegay in gaarigaan ay soo bandhigeen ciidamada amniga Kenya ee ku sugan deegaanka dhirta badan ee Boni, halkaas oo la sheegay inay xarumo ku leeyihiin dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

“Gaarigan waxaa lasoo afduubay bishii December ee sannadkii hore2015-ka, waxaana laga Qabsaday Deegaanka Milihio oo ku dhow Laamu,” ayuu yiri Col. Obonyo oo Warbaahinta Kenya la hadlayay Salaasada maanta ah.

Sidoo kale, Col. David Obonyo ayaa sheegay in xoogaggan la dilay laga furtay afar qori oo AK-47 ah, saddex Bam-booyinka Qarxa ah, Rasaas fara badan iyo qalab kale oo ay Adeeg-sanayeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada ammaanka ay Warbixinno la xiriira in Gaariga lagu arkay deegaanka Boni ee kaynta badan; halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo Kenyan ah si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa xoogaga Al-shabaab ee ku sugan deegaankaas.

“Ciidammo ka tirsan kuwa Amaanka Kenya oo howlgallo ka waday Soohdinta Somalia iyo Kenya u dhexeysa, ayay isku dhaceen kooxahan oo gaariga soo afduubay, kaddibna waxay toogteen Afar ka mid ahaa Al-shabaab, Halka laba kalena ay baxsadeen iyagoo dhaawacyo qaba,” ayuu hadalkiisa ku daray, Col. Obonyo.

Howlgalkan ayuu Afhayeenku sheegay in Ciidamada Booliisku waxay soo furteen Gaariga oo noociisu ahaa Ford Ranger iyo rasaas saarnay, isagoo hadalkiisa ku daray in kooxo kale oo Al-shabaab ka tirsanna ay u carareen dhanka deegaanka kaynta badan ee Boni.

Dhanka kale, Col. David Obonyo ayaan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray iska-horimaadkii ay la galeen ciidamada Al-shabaab ee uu sheegay inay gaariga iyo hubka kale ka furteen.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaan weli ka Hadlin dilka ay dowladda Kenya xustay inay ku dileen iska-horimaad ka dhacay deegaanka Boni afar ka mid ah xoogagga iyaga taabacsan ee ku sugan deegaankaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya