4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2016
Diyaarad Rakaab oo Maanta Garoonka Muqdisho ka Duushay oo uu Qarax ka Dhacay (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 02, 2016 (HOL) — Laba Ruux oo Rabkaab ah ayay Dhaawacyo kasoo gaareen Diyaarad Rakaab siday oo maanta ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo kusii jeedday waddanka Jabuuti, kaddib markii laga Maqlay Qarax ka dhacay gudaha diyaaradda, kaasoo illaa hadda la ogeyn.

Diyaaradda ayaa dib ugu soo laabtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxayna si Nabad-galyo ah ugu soo dagtay Garoonka Diyaaradha Muqdisho, Xilli uu Qiiq ka baxayay mid ka mid ah garbaha diyaaraddu ay ku duusho.

Sidoo kale, Diyaaradan ayaa u kireysnayd Shirkadda Diyaaradaha ee DAALLO Airlines oo ka mid ah Shirkadaha diyaaradeed ee ka howlgala dalka Soomaaliya muddadii uu dalku ku jirtay burburka illaa xilligaan,

Illaa hadda lama oga Qaraxaan wuxuu ka dhashay, balse waxaa socda baaritaanno la xiriira wuxuu qaraxani ahaa, sida uu sheegay wasiirka gaadiidka & duulista hawada xukuumadda, Cali Axmed Jaamac [Jangeli] oo la hadlay Warbaahinta.

“Qaraxan lama oga wuxuu ka dashay, balse waxaa gacanta ku haya baaritaannada Arrintan la xiriirta ragga ku shaqada leh, mana doonayno inaan ka Hor-dhacno Shilka dhacay, Balse markii baariaanku dhamaado ayay Arrintu soo baxaysaa oo Baaritaanka ayaa soo saaraya,” ayuu yiri Jangeli oo sheegay inaan la ogeyn wuxuu qaraxu ahaa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Diyaaraddu ku socotay Garoonka Diyaaradaha Jabuuti, ayna siday rakaab, wuxuuna intaa ku daray in laba ruux oo ka mid ah rakaabkii diyaaradda saarnaa.

“Ahmiyadda ugu weynna Waxay ahayd in Shacabkii Diyaaraddaas Saaran la Bad-baadiyo, taasina way suuro-gashay oo si duuliyuhu si nabadgalyo ah ayayna diyaaraddu u soo cago-dhigatay diyaaraddu garoonka Muqdisho,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiir Jangeli.

Dhanka kale, mar Wasiirka la Weydiiyay ma jirtaa cid ay kaga Shakisan yihiin ka Dowlad ahaan oo ay leeyihiin Ciddaas ayaan ka Shakisannahay oo aan Baaritaan ku Sameynaynaa, wuxuuna kaga jawaabay su’aashaas.

“Baaritaanka ayaa cadeynaya wixii laga Shakisan yahay, ha noqoto cillad dhanka farasamo ha noqoto ama wax kale ha noqotee, mana hordhacayno,” ayuu kusoo gunaanaday warkiisa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Axmed Cali Jaamac [Jangeli].

Ma ahan markii ugu horreysay oo diyaarad ka duushay Garoonka Diyaaradaha Adan Adde ee Muqdisho oo dib ugu soo laabata iyadoo Cilladi ay ku Qabsatay iyadoo hawada ku jirta.

Ugu dambeyn, Diyaarad ay la socdeen Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo kusii socday dalka South Sudan 08-dii July sanadkii 2013-kii, waxaana diyaarada oo hawada ku jirtay 25-daqiiqadood ay si lama filaan ah cilladi uga timid mid ka mid ah martoorrada diyaarada ayna dib ugu soo laabtay garoonka Adan Adde ee magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya