4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2016
SAWIRRO: Ardayda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo kulan ku yeeshay Magaalada Cape Town


Talaado, Feberaayo 02, 2016 (HOL) — Kulan ay Ardayda Soomaaliyeed ee ku Nool Dalka Koonfur Afrika ku yeesheen Magaalada Cape Town, ayaa waxaa kasoo qaybgaleen qaar ka mid ah Macallimiin wax ka dhiga Jaamacadaha Cape Town, Aqoon-yahanno iyo Bulshada qaybaheeda kale duwan.

Isu-maatinkan, ayaa waxaa looga hadlayay sidii bulshada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ay xoogga u saari lahaayeen dhanka Waxbarashada oo ay ka gaabiyeen, Waxaana Ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadaha oo Shirka soo agaasimay ay sheegeen in baahi badan ay Bulshada Soomaaliyeed ee South Africa u qabaan dhanka Waxbarashada, Maadaama ay xuseen in qaarkood ay ku dhiban yihiin dhanka luuqadaha.

Sidoo kale, intii uu kulanku socday ayaa waxaa ka hadlay Macallimiinta Jaamacadaha Wax ka dhiga Magaalada Cape town, kuwaasoo Ardayda ku Dhiirri-geliyay inay Tayeynteeyaan Waxbarashadooda iyo inay bulshada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ka Caawin Doonaan Dhanka Waxbarashada, iyadoo kulankaas, sidoo kale lagu Caleema-saaray Guddoomiyaha cusub ee ardayda Soomaaliyeed ee gobolka Western Cape mudane Sharma'arke C/raxmaan Cigaal.

Guddoomiyaha cusub ee ardayda Soomaaliyeed ee Gobolka Western-cape ee South Afrika, Sharma'arke C/raxmaan Cigaal oo soo xiray kulanka, ayaa ballan-qaaday inuu ka shaqeeyn doono isku keenida ardayda iyo caawinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika ay ka caawiyaan dhanka isbitaalada iyo xarumaha laga qaato sharciyada.

Mustafa Xasan Cali
[email protected]
Cape Town, Koonfur Afrika