4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2016
SAWIRRO: RW Somalia oo Maanta u Sameeyay QADO Cayaartoyda 11-jirka ee metelayay Somalia

Jimco, Feberaayo 19, 2016 (HOL) — Ra'iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa Maanta qado-sharaf u sameeyey cayaartoydii 11-jirada oo ku metelayay Qaranka Somalia Tartankii Jeem Cup ee lagu qabtay Qadar. Iyadoo ku Bogaadiyay sida ay uga dhex-muuqdeen cayaaraha iyo guulihii ay gaareen intii ay Cayaaruhu Socdeen.

Sharma’arke, ayaa u Mahad-celiyay Maamulka Iskuulka cayaartoydaani ay ka Socdeen iyo Waaliddiintii dhalay, isagoo sheegay in loo baahan yahay in cayaartoydan da’da yar Maal-galin lagu sameeyo, si kor loogu qaado Xirfaddooda Cayaareed. Wuxuna intaa ku daray in Dowladda Qatar uu kala hadlay dhismaha Garoon iyo goobo kale oo lagu Cayaaro qaybaha kala duwan ee Cayaaraha.

“Sharaf weyn ayay ii tahay Maanta inaan Qado u Sameeyo Cayaartoydii kaga Qayb-galay cayaarihii Jeem Cup magaca Somalia, Waxaad tihiin geesiyaal guul u soo hooyay Somalia. Waxana idiin haynaa qadarin,” ayuu yiri RW Sharma’arke ooo intaas raaciyay in kulamada soo socda uu rajeynayo inay soo hoyn doonaan guul ka ballaaran midda hadda ay keeneen.

RW Somalia ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ardaydan cayaartoyda ah berri ay noqon doonaan mustaqbalka cayaartooyda Qaranka Somalia, Isla markaana ay dhiirri-gelinayaan tallaabooyinka lagu horumarinayo Isboortiga Dalka.

“Waa fursad fiican oo mustaqbal u noqon karta jiilkan yar yare e aad arkeysaan. Runtii XF Somalia way bogaadinaysaa tallaabooyinka lagu dhiirr-gelinayo da’yarta Isboortiga Dalka oo aan dhihi karo mustaqbal Wanaagsan ayay u tahay Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday RW Somalia.

Dhanka kale, Cayaartoydaan da’da yar ee Somalia oo shalay Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa waxaa Xalay Casho-sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Ugu dambeyn, Cayaartoydaan ayaa waxay intii ay Tartanka ka qayb-galayeen la Ciyaareen Dhiggooda Waddamada Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Sucuudiga iyo Qatar, kuwaasoo ay la galeen bar-barro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya