4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2016
Xukuumadaha Burundi iyo DR Congo oo QM ka Dalbaday in Tallaabo laga Qaado Dalka Rwanda


Jimco, Feberaayo 19, 2016 (HOL) — Dowladaha Burundi iyo DR Congo ayaa ka dalbaday Golaha Ammaanka ee QM inay tallaabo ka Qaaddo Dalka Rwanda oo lagu eedeeyay inay hubeynayso Qoxootiga Burundi ee waddankeeda ku sugan si ay uga qayb-qaataan dagaalka la doonayo in lagu rido Xukuumadda Bujumbura.

Qoraalka ay labadaan Dal u gudbiyeen QM ayaa Arbacadii lasoo dhaafay lasoo Bandhigay, iyadoo Xukuumada Rwanda ay horay u beenisay eeda loo jeediyay ee ah inay Hubeynayso Qoxootiga kasoo Burundi ee dalkeeda ku sugan.

Sidoo kale, Danjiraha Burundi ee QM Albert Shingiro ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee QM inay sida ugu Dhaqsiyaha badan u qabtaan kulan Deg-deg ah oo ay kaga Hadlayaan sidii tallaabada laga qaadayo xukuumadda Kigali oo si cad ugu lug leh qalalaasaha Burundi ka taagan.

Danjiraha DR Congto, Gata Mavita ayaa isagana xubnaha Golaha Amaanka ee QM wuxuu ka dalbaday inay si aan dib u dhac lahayn u Cambaareeyeen Falalka ay Xukuumada Kigali ku Askareynayso Carruurta iyo falalka kale ee Gacmaha kula jirto

Waddanka Burundi ayaa waxaa tan iyo bishii Abriil ee 2015-ka, waxaa ka taagnaa Colaado iyo Rabshado u dhexeeya Xukuumadda iyo Mucaaradka dalkaas, kuwaasoo ay ku dhinteen 400 dad ka badan, kumannaan kalena ay dalkooda uga carareen.

Xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon ayaa la rajeynayaa inuu Isniinta soo socota uu tago Burundi, si uu Xukuumadda iyo kooxaha mucaaradka ah ee dalkaas uu ugu cadaadiyo inay Wadahadallo Siyaasadeed yeeshaan si ay waddankooda uga badbaadiyaan colaado sokeeye oo ka dhaca.

Dowladda Washington oo Xiriir Wanaagsan uu kala dhexeeyo Madaxweyne, Paul Kagame ayaa Toddobaadyo ka hor baahiyay Warbixin ay ku xuseen in dowladda Kigali ay faragelin siyaasadeed ku hayso dalka Burundi, ayna si cad u hubeyso qoxootiga dalkeeda ku sugan si ay uga qaataan colaadalka Burundi ka taagan.

Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii hore ee Jannaayo waxay ku Tageen booqasho Bujumbura, iyagoo dhageystay Cabashooyinka Madaxweyne, Nkuruziza oo ku aadanaa fara-gelinta ay Dowladda Rwanda kaga qayb-qaadanayso colaadda dalkiisa.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Faransiiska ayaa wadda diyaarinta qorshe ciidammo ka socda QM oo booliis ah lagu geynayo dalka Burundi, si ay isugu dayaan inay Rayidka Difaacaan, kaddib markii Nkurunziza uu dhawaan diiday in 5,000 oo Askari oo Nabad-ilaalin ah oo la oo ka socda Ururka Midowga Afrika la geeyo Waddankiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya