4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2016
Marwada Madaxweeynaha Soomaaliya oo deeq gaarsiisay Bukaanada ku jira isbitalka Kismaayo


Jimco, Feberaayo 19, 2016 (HOL) — Deeqdan lacageed oo ka timid marwada madaxweeynaha dowladda Soomaaliya , Marwo Qamar Cali Cumar ayaa waxaa la gudoonsiiyay bukaanada jiifa isbitalka Kismaayo iyo qaar kamid ah dadka naafada ah ee ku nool Kismaayo.

Mahad Muxidiin Sheekh oo ay marwada Madaxweeynaha usoo wakiilatay deeqda ayaa gudoonsiiyay bukaanada Jiifa qeybaha kala duwan ee Isbitalka iyo sidoo kale qaar kamid ah dadka naafada ee ku nool Kismaayo.

Mahad Muxidiin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in deeqdani lacageed ay tahay mid Marwada Madaxweynaha ay dooneeyso in ay uga farxiso dadka bukaanada ah ee jiifa Isbitalka iyo dadka kale ee danyarta ah, isagoo intaa ku daray in aysan tan ku ekaan doonin oo ay marwadu sii wadi doonto caawinta dadka danyarta ah.

Agaasimaha isbitalka Kismaayo Xuseen Sheekh Qaasim ayaa aad uga mahadceliyay Marwo Qamar Cali Cumar deeqda ay soo gaarsiisay isbitalka, isagoo ugu baaqay in madaxda kale ee Soomaaliya iyo cid walba oo wax heeysata ay ku daydaan islamarkaana gacan siiyaan walaalahooda dhibaateeysan.

Marwada Madaxweeynaha Soomaaliya, Marwo Qamar Cali Cumar ayaa deeq tan lamid ah hore u gaarsiisay dad danyar ah oo ku nool qeybo ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.