4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2016
Ciidanka Booliska Uganda oo Weeraray Maanta Xarunta Xisbiga ugu Awooda badan Mucaaradka


Jimco, Feberaayo 19, 2016 (HOL) — Ciidanka Booliiska Uganda, ayaa Weeraray Jimcaha maanta ah Xarunta uu Caasimadda Uganda ee Kampala ku leeyahay Xisbiga ugu Awoodda badan Axsaabta Mucaaradka dalka Uganda ee FDC, xilli lagu muransan yahay Doorashadii Madaxnimo ee shalay ka dhacday dalkaas.

Ciidamada ayaa waxay u adeegsadeen Taageerayaasha xisbiga FDC oo xarunta dibaddeeda ku sugnaa Gaaska dadka ka ilmeysiiya iyo Rasaas nool-nool, iyadoo aan illaa hadda waxba laga ogeyn Sababta ay Ciidamada Ammaanka Uganda Weerarka ugu Qaadeen Xaruntaas.

Hoggaamiyaha Xisbiga FDC, Kizza Besigye ayaa wuxuu loolan adag oo dhanka Awoodda ah kula jiraa madaxweynaha Dalkaas Yoweri Museveni, kaasoo la sheegayo in uu hadda si aad ah ugu horreeyo tirinta codadkii doorashadii shalay dhacday.

Madaxweyne Museveni ayaa haddii uu ku guuleysto Doorashadan waxay noqonaysaa inuu markii shanaad oo xiriir ah xukumayo Uganda, isagoo horay Dalkaas u Xukumayay muddo 30-sannadood ah.

Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada kasoo baxaya ayaa waxay Sheegayaan in Yoweri Museveni uu Doorashada ku Hoggaaminayo Codad gaaraya 63%, iyadoo Kizze Beisgye oo ku xiga uu Isagana Haysto 33%, iyadoo Mucaaradka iyo Xukuumadda Uganda, aysan Weli ka hadlin Natiijooyinkaan hordhaca ah ee soo baxay.

Dhanka kale, Wararka laga helayo Kampala ayaa waxay sheegayaan in Ciidanku ay xireen Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee FDC, Kizze Besigye, iyadoo uu noqonaysao xariga maanta la xiray kii labaad oo muddo 24-saac gudahood oo la xiro.

Ugu dambeyn, Weerarka Maanta lagu qaaday Xarunta xisbiga FDC oo ah midka ugu weyn Axsaabta Mucaaradka Uganda ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli la xiray muddo kooban Khamiistii shalay Kizze Besigye oo ah Hogaamiyaha FDC, Iyadoo xilli dambe ay Ciidanka Boliiska Uganda sii daayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya