4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2016
Madaxweyne MUSEVENI oo ku horeeya Tirinta Codadka Doorashadii Shalay ka dhacday Uganda


Jimco, Feberaayo 19, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ku horreeya tirinta codadka Doorashadii madaxnimo ee shalay shacabka Uganda ay dhiibteen, iyadoo murashaxa kusoo xiga oo ah, Kizze Besigye uu isagana haysto codad ahaan aad uga hooseeya Museveni.

Yoweri Museveni ayaa la sheegayaa inuu haysto 63% codadkii illaa hadda la tiriyay, halka Besigye oo kusoo xiga uu haysto 33% Codadka, iyadoo RW hore ee dalka Uganda Amama Mbabazi uu isagana haysto codad ka yar 2% codadka illaa la tiriyay.

Khamiistii shalay ahayd ayay doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ka dhacday Uganda, Inkastoo ay jiraan Cabashooyin ka imaanaya Mucaaradka oo Sheegaya in aysan si wanaagsan in dhicin doorashada.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dalka Uganda, Yoweri Museveni oo 71-jir ah oo horay u soo Xukumay Uganda Muddo 30-sano ah, ayaa Waxaa loo Saadaalinayay inuu ku Guuleysan doorashada madaxnimo ee dalkaas.

Jimcaha maanta ah ayaa la sheegayaa in codbixinta Uganda ay laga billaabay 36 xarumood oo ka tirsan Magaalada xarunta ah ee Kampala iyo deegaanka Wakiso oo ku dhow, halkaas oo la sheegay inay shalay ka xumaadeen qalabkii lagu codeynayay.

Guddiga Caalamiga ah ee la socodka Doorashooyinka Uganda ayaa waxay ku Tilmaameen dib u dhacan goobaha qaar ka yimid ay dhaacwac weyn ku tahay geeddi-socodka doorasho ee Waddanka Uganda. Balse waxay xuseen in inta badan Doorashooyinku ay si wanaagsan uga dhaceen goobihii loo qoodooneeyay.

Balse, guddiga la socodka doorashooyinka Qaranka dalka Uganda ayaa waxay ku sheegeen hadal ay soo saareen in doorashadu ay si nabad ah ku dhacday, laakiinse waxay qireen inay jireen dib-u-dhacyo ka jiray xarumaha codeynta qaarkood.

Shacabka Uganda qaarkood ayaa sheegay in goobaha codbixinta ay qaar ka mid ah shalay ka dhaceen rabshado, kuwaasoo keenay in la xiro, iyagoo xusay inay ku faraxsan yihiin in dadkii aan shalay codkooda dhiiban ay maanta dhiibteen.

Madaxweynaha Uganda Museveni oo xilligaan Codadka la tiriyay kaga Horreeya Asxaabta Mucaaradka in ka badan 50%, Waxaana sidii horayba loogu saadaaliyay uu u muuqdo inuu ku guuleysan doono Doorashada madaxweynimo ee shalay ka dhacday Waddanka Uganda.

Ugu dambeyntii, ugu yaraan 15-milyan oo Qof ayaa loo Diiwaan-geliyay inay ka dhiibtaan Codadkooda Doorashada Madaxnimada iyo tan Baarlamaanka ee ka dhacday shalay Dalka Uganda. Waxaana kuraasta Baarlamaanka ee loo Tartamayo ay gaarayaan 290-kursi, Halka xilka madaxnimo ay ku tartamayeen siddeed murashax.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya