4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2016
Dahabshiil Group oo Kumanaan Kun oo doollar ugu Deeqay Guddiga Gurmadka Abaaraha SL


Jimco, Feberaayo 19, 2016 (HOL) — Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa 80,000 oo doollar (Siddeetan Kun oo Doollar) ugu deeqday Taakulada loogu jiro Gurmad lala gaadho Dadka ay saamaysay abaarta ba’an ee dalka ka jirta.

Munaasabad guddiga Madaxwaynaha Somaliland u saaray gurmadka Abaarta ay u Qabteen Qaadhaan-ururinta Bulshadu ku Caawinayso Dadka baahan oo ka dhacday Xafiiska Rugta Ganacsiga ee Hargeysa shalay, ayaa shirkadda Dahabshiil ku wareejisay lacag $80 kun oo dollar oo ay kaga qaybqaadanayso dadaalka cuno iyo biyo lagu gaarsiinayo dadka ku nool deegaamada ugu daran ee abaartu ka taagan tahay, iyadoo aanay jirin shirkad kale oo lacag intaa le’eg bixisay.

Maamulaha Xawaaladda Dahabshiil Cabdirashiid Faarax Axmed, ayaa sheegay in $30,000 ka mid ah lacagtan kaga qaybgalayaan gurmadka degdega ah ay ku deeqeen shaqaalaha ka Hawlgala Xarumaha Xawaaladda lacagaha ee ku yaal Magaalada Hargeysa, Halka $50,000 dollar ee kalena ay bixisay xarunta dhexe ee hawlgallada Dahabshiil Group.

Sheekh Xasan C/salaan oo ka mid ah guddiga gurmadka abaaraha, ayaa u Mahad-celiyey shirkadda Dahabashiil kaalinta wayn ee ay ka gashay taakulada dadaalka lagu doonayo in mucaawano lagu gaadhsiiyo dadka ay saamaysay abaartu.

Gudiga Gurmadka abaarta, ayaa Xusay in iyaga Gudanaya Waajibka ka saaran Dadaalka dadka iyo duunyada tabaalaysan ee abaartu waxyeelaysay lagu Gaadhsiiyo Gurmad, isla markaana loo baahanyahay in qofkasta oo reer Somaliland ahi uu halkiisa ku hawlgalo.

Waxy kaloo ugu baaqeen dadka yar iyo waynba inay sii laban-laabaan dadaalka taageerida mucaawano la gaadhsiiyo dadka dhibaataysan, “Maanta (shalay) lacagaha halkan lagu ururiyey waxay dhaafaysaa Saddex boqol oo kun oo dollar, waxaanan idin leeyahay haddana si aynu markastaba bulshadeenaas ugu tabarucno waa in aynu kaalin mug leh ka qaadano ummaddaas aynu dadka u dhexmarayno ee aynu caawinayno, markaas si Ilaahay inoogu naxariisto waa in aynu ummaddaas taagta daran caawino,” ayuu yidhi Sheekh Xasan Cabdisalaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya