4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 19, 2016
Soomaali Mar Kale Hanti Looga Dhacay Koofur Afrika

Jicmo, Feberaayo 19, 2016 (HOL) - Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa lagu soo waramayaa in xalay gobol ka tirsan oo lagu magacaabo Mpumalanga boob loogu gaystay qaar ka mid ah ganacsiyada ay Soomaalida halkaasi ku leeyihiin.

Wararku waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu boobay dhowr iyo sodon dukaan. Arintan ayaa la sheegayaa in ay ka dhalatay dadka deegaanka oo ka caraysan xubin deegaanka hoose ah oo loo soo magacaabay oo aanay raali ka aheyn. Xubintaas ayaa waxaa soo magacaabay xisbiga ANC ee talada dalkaasi haya.

Dadka Soomaalida ah ee halkaas ku sugan ayaa haatan waxay ku mashquulsan yihiin rarida dukaamada alaabada taala ee weli aan la boobin si ay u badbaadiyaan. Waxay doonayaan inay u raraan caasimada gobolkaas oo aan ka fogeyn meesha boobku ka dhacay una jirta qiyaastii 15km.

Dadka deegaanka ayaa kasokow boobka ay hantida Soomaalida ama ajaaniibta dalkaas ku sugan ugeystaan, waxay mararka qaar gubaan hantida iyo dukaamada. Sidaa daraadeed, Somaalida deegaankaa kusugan ayaa doonaya inay alaabadooda hartay ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga raraan meeshaa ka hor inta arin noocaas ah aysan dhicin.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ayaa sheegay in ay arintaa uga cawdeen booliska dalkaa balse boolisku u sheegeen in aysan arintaa waxba ka qaban karin. Hantida ilaa haatan la boobay ayaa dhan qiyaastii boqolaal kun oo doolarka Mareykanka ah maadaama ay kujiraan dukaamada la boobay kuwo waaweyn oo gada alaabada jumlada ah.

Khasaare dhimasho oo weheliya boobkaa ma jiro ilaa iyo hada inta la ogsoon yahay waxaan ka ahayn hal qof oo ka tirsan ganacsatada Soomaalida oo halkaa lagu dhaawacay.

Marar badan ayaa ay dhaceen dhacdooyin noocaan ah oo lagu boobay hanti Soomaali ay leedahay dalkaasi Koofur Afrika. Intaa waxaa dheer in marar badan dad Soomaali ah dalkaa lagu dilay. In badan oo ka mid ah dadka dalkaasi Koofur Afrika ayaa neceb dadka ajaaniibta ah ayagoo ku andacooda inay fursdaha shaqo ay ka qaataan ama kula loolamaan.