4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2016
HARGEYSA: Booliiska oo Sheegay inay Qabteen Dableydii Weerartay Xaruntii Diiwaan-gelinta


Khamiis, Feberaayo 18, 2016 (HOL) — Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah Dableydii shalay weerartay goob diiwaan-gelinta ka socoto iyo laba suldaan oo ka mid ahaa dableydan qaadatay Qalabkii Diiwaan-gelinta.

Taliyaha Booliiska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay soo qabteen dabley ku hubaysan qoryo, baaskoolada iyo mobiles, sidoo kale waxay gacanta ku qabteen laba suldaan oo lagu eedeeyey inay falkan ka dambeeyeen.

“Halkan waxaan uga mahad naqayaa ciidanka Ammaaanka ee naftood hurayaasha ahaa ee dhacdadii shalay ka Dhacday Goob diwaan galineed oo deegaanka hadaynta ciidankii ka haw galay,markii aanu warkaasi maqalnay waxaanu galnay heegan buuxa oo meel kasta, Waxaanu ciidanku gacanta kusoo dhigeen Dablaydii Falkaasi Gaysatay, Ciidankuna waa naftood hurayaal habeen iyo maalin wakhti kasta saacad kasta iyo minid kasta heegan ku jira”ayuu yidhi taliyaha ciidanka boolidka Fadal oo sheegay inay qabteen qaar ka mid ah dableydii iyo hubkii ay siteenba..

Waxaanu intaas ku daray”Ciidanku waa qaar u dadban in ay ilaaliyaan nabad Somaliland heegana ugu jiraan in bulshadoodu nabad ku seexato,waxaanan amaan u jeedinayaa siday shacabku garabka u siiyaan ciidanka marka ay xaaladi taagan tahay,waxaana ciidanka booliska ku boorinayaa inay ciidanku u dhaga nugladaan oo ay mar kasta wakhti siiyaan”.

Dhinaca kale, Afhayeenka ciidanka booliska Faysal Xiis  oo isna faahfaahinayey inta qof ee ay dhacdadasi u hayaan ayaa yidhi “Ciidanku waxa ay gacanta ku soo dhigeen 16 nin iyo saddex gaadhi,waxaana ayaan daro ah in falkaasi ay gaysteen dabadana ka wadaan laba nin oo salaadiin sheeganaya,suldaan Sanbayso iyo Suldaan Ibraahin Sulub Nuur,marka ay tageen goobtii diwaan galintu ka socotay waxa ay si badheedh ah xabad ula dhaceen shaqaalihii iyo qalabkii ay shaqada ku hayeen,waxaana ay waxyeelo gaadhsiiyeen qalabkii meesha yaalay. Halkaanna waxaa yaalla hubkii nimankaas lagu soo qabtay, haday salaadiin yihiin iyo haday yihiin kuwan ciidanku qabteenba waxa ay ku jireen hawl gal lagu Qal-qal galinayo amaanka dalka, halkan waxa yaala Akeegii, baaskooladihii, waxaana lagu qabtay iyaga oo gacantooda ku sita, suldaankuna kama wayna sharciga, waydinka arkaya qorihii baaskooladihii, Moobiladii, wuxuuna dambigan ahaa mid abaabulan oo laga shaqeeyay.”

Si kasta ha ahaatee, dablayda ayaa shalay goob ku taala degmada Saba wanaag ee gobolka Awdal hoos timaada weerar ku soo qaaday, isla markaana Qalabkii meesha yaallay qaatay, iyagoo Rasaas ku furey Askarii ilaalinaysay iyo Shaqaalihi Goobta joogay, Inkastoo aanay khasaare soo Gaadhin Shaqaalihii balse gaadiid meesha yaalay ayay Rasaasta khasaare soo gaadhsiisay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland