4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2016
Guddoomiyaha Maxkamadda Awdal oo la kulmay Shaqaalaha Nootaayooyinka Degmada Boorama


Khamiis, Feberaayo 18, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Maxkamda Racfaanka ee gobolka Awdal Idris Faarax Muuse oo uu weheliyo Maayar ku xigeenka degmada Boorama, Cumar ileeye Jimcaale ayaa Maanta kulan kula qaatay xafiiska wasaarada cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Gobolka Awdal Xubno ka mid ah Shaqaalaha Nootaayooyinka (Xafiisyada lagu kala Wareejiyo Waxyaabaha ay kala iibsadaan Dadka sida Dhulka) ee ku yaalla Magaalada Boorama.

Kulankan waxaa Goob-joog ka ahaa; isku-duwaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka gobolka Awdal, iyadoo shirkku ahaa mid is-barasho ah oo ay sharci-yaqaannada Nootaayooyinka iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Awdal, kaasoo xilka dhawaan ay u soo magacowday Xukuumadda Somaliland.

Ugu horreyn, waxa kulanka ka hadlay Isku-duwaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Gobolka Awdal, isagoo ka warbixiyay ujeeddada kulankaan, isagoo xusay inuu ahaa mid ay isku baranayaan Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Awdal iyo Sharci-yaqaannada Nootaayooyinka Boorama, isagoo ugu baaqay sharci-yaqaannada inay Guddoomiyaha la shaqeeyaan ayna shacabka ugu adeegaan si daacad ah.

Sidoo kale, waxaa isagana halkaas ka hadlay Maayar ku xigeenka Boorama, Cumar ileeye Jicmaale wuxuuna yiri. “Runtii haddii sharci-yaqaanada ka shaqeeya Nootaayooyinka iyo Dowladda Hoose Wada-shaqeeyaan Wax badan ayaa is-bedelaya, Marka Nabad-galyada waxaa masuul ka ah Cadaalad-darrada, marka shacabka aan ugu shaqaynno si daacad ah.”

Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Awdal, Idiris Faarax Muuse oo isagana Kulanka ka haadlay ayaa ka codsaday sharciyaqaanada ka Hawl-gala Nootaayooyinka inay la shaqeeyaan.

Dhab ahaantii, Nootaayooyinku waxay ka mid yihiin bahda cadaaladda hawlaha ay gacanta ku hayaanna waa sharci, waxaana looga baahan yahay inay had iyo jeer si taxa-ddar leh ay u gutaan Waajibaadkooda maskaxdana ay ku hayaan in waxay ummadda u hayaan ay tahay sharci, waxayna leeyihiin xoog fulineed sida Nootaayooyinku shuruucda ay u qoraan ama waxyaabaha ay Shacabka u kala qoraan. Waxaanan ku adkaynayaa inay ku shaqeeyaan sifo sharci oo ayna eegin maxaa kaasoo galaya meeshan iyo maxaad ka helaysaa,” ayuu Faarax ku yiri hadalkiisa.

Ugu dambeyntii, ujeedka kulankaan ayaa ahaa is-barasho ah oo u dhexeeyay bahda Sharci-Waqaanada ka Shaqeeyay Nootaayooyinka iyo Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Awdal, kaasoo dhawaan xilka la wareegay, iyadoo kulanka maanta uu Noqonayo kii ugu horreeyay oo guddoomiyuhu la yeesho xubnaha ka hawlgala xafiisyada sharciyada ee Gobolka Awdal.

Nuux Kadiye, Hiiraan Online
Boorama, Gobolka Awdal