4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2016
Faaf faahin ku saabsan socdaalkii madaxweyne Xassan Sheekh ee


Khamiis, Feberaayo, 18, 2016 (HOL) -- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'ed iyo wafdi ka kooban labada golle ee dowladda ayaa barqannimadii maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehlinayeen wasiirka ammniga C/risaaq Cumar Max'ed, xildhibaan Nuur Iidoow Beylle, iyo Nafiso Geedi Santuur oo ka soctay xafiiska ra'iisal wasaaraha, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay, xildhibaan Max'ed
Xassan Ibraahim Qoono, mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Yuusuf Axmed Hagar, saraakiisha ciidammada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo loo galbiyay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa markiiba bilaabay kulamo wadda-tashi ah oo la xiriira siyaasada dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa kulan gaar ah oo arintan ku saabsan la qaatay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo saacado badan ay ka wadda hadlleen qorshaha dhismaha maamulka labada gobol,mana jirto cid warbaahinta faah faahin ka siisay socdaalka madaxweynaha iyo wax ka soo baxay kulanka uu la qaatay Ugaas Xassan.

Hasse ahaatee Ilo xog-ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa HOL u sheegay in kulanku ahaa mid natiijo la'aan ku soo dhamaaday oo aan leysku afgaran qodobadii laga wadda hadlay.

Beellaha gobolka Hiiraan ayaa si wadda jir ah u qaadacay ka qeyb-galka shirka magaalada Jowhar ee dhismaha maamulka labada gobol, iyaga oo inta badan fashilka shirka ku yimid dusha ka saaray wasaarrada arrimaha gudaha & federaalka.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa goor dhaw ka dhoofay magaalada Beledweyne isaga oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya