4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2016
Hay’adda Zamzam oo Noqotay Tii ugu Horreysay oo Soomaali ah oo la Siiyo Shahaado Caalami ah (SAWIRRO)

Khamiis, Feberaayo 18, 2016 (HOL) — Xaflad ballaaran oo ay ka Qayb-galeen Madax ka kala socda Bangiga Horumarinta Islaamka, Ururka Iskaashiga Islaamka, Wakiillo ka socda Hay’ado Deeq-bixiyaal ah oo Fadhigoodu yahay Sucuudiga iyo Ganacsato; ayaa Hay’adda Zamzam lagu guddoonsiiyay SHAHAADADA TAYADA IYO MAAMUL WANAAGGA EE CAALAMIGA AH OO LOO YAQAANNO; ISO 9001:2008.

Munaasabadan oo Isniintii 15-kii Feberaayo 2016-ka, ka dhacday Hoteelka Intercontinental Magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa Hay’adda ZAMZAM Foundation loogu aqoonsaday inay mudan tahay in la guddoonsiiyo Shahaadadaas.

Waa markii ugu horreysay oo hay’ad Soomaali ahi (Mid dowladeed, mid gaar loo leeyahay iyo mid sama-falba) ay ku guuleysato Shahaadadan.

Kaddib markii ay aragtay hab maamuleedka Hay’adda ZAMZAM FOUNDATION ayay kooxda lagu magacaabo International Expertise House for Administrative Development oo ka mid ah sharikadaha Bariga Dhexe ugu waa-weyn dhinaca la-talinta, waxay u sharraxday Shahaadada ISO 9001:2008, la socod dheer oo la xiriira howlaha iyo adeeegyada ay ZAMZAM FOUNDATION bixiso, kadibna waxaa loo aqoonsaday mid tayada maamulkeeda iyo howlaheeduba yihiin kuwo aad u  sarreeya.

Sharikadda TÜV INTERCERT SAAR fadhigeedu yahay Dalka Jarmalka oo ka shaqeysa arrimaha diiwaan-gelinta, shahaada bixinta, hannaanka tayada iyo maamul-wanaagga Hay’adaha iyo Sharikadaha Caalamka ayaa  Shahaadada guddoonsiisay Agaasimaha Guud ee Hay’adda ZAMZAM FOUNDATION Mudane, Shuceyb C/ladiif Sheekh.

Guusha ay ZAMZAM FOUNDATION ku hanatay Shahaadadan Caalamiga ah waxay kusoo beegmaysaa xilli sharikadaha iyo hay’adaha xukuumiga ah, kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa sama-falku ay ku han-weyn yihiin hanashada shahaaddada tayada iyo maamul-wanaaga ee loo yaqaanno ISO 9001:2008.

Dhanka kale, ISO 9001:2008. Waa Shahaado sare oo caalamiy ah caddeyna u ah  sumacadda iyo tayada maamuul wanaaga cidda ay u suura-gasho in ay hesho shahaadadan. Waxaa shahaadadan lagu bixiyaa dhinaca tayada habka maamulka, iyadoo la siiyo hay’adaha la xaqiijiyo in hab maamukoodu yahay mid tayeysan oo la jaan-qaadi kara nidaamka caalamiga ah, iyadoo ay horay ugu guuleysteen hay’ado iyo sharikado dunida laga yaqaano, balse marka Soomaaliya laga hadlayo ZAMZAM FOUNDATION waa tii ugu horreysay oo la guddoonsiiyo shahaadadaan.

Ugu dambeyn, Hay’adda ZAMZAM FOUNDATION waxaa la Aasaasay Sannadkii 1992-kii, waana hay’ad samafal oo bixisa adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Daryeelka Agoonta, Nabadeynta iyo Horumarinta, waxayna ka howlgashaa guud ahaan dalka Soomaaliya, xafiiskeeda ugu weynna wuxuu ku yaallaa Magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya