4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2016
KENYA: Waxaan duqeyn ku Qaarijinnay Madaxii SIR-DOONKA Al-shabaab iyo Tiro Saraakiil ah


Khamiis, Feberaayo 18, 2016 (HOL) — Ciidanka Kenya ayaa sheegay Maanta oo Khamiis ah inay duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya ay ku Dileen Taliyhii Sir-doonka Al-shabaab iyo Saraakiil kale, Inkastoo Al-shabaab ay beenisay Warkan Maanta ka soo baxay Dowladda Kenya.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Kenya oo la hadlay AFP ayaa sheegay in Duqeytan ay ku dileen 10 sarkaal oo Al-shabaab ka tirsanaa iyo Madaxii Sir-doonka Xarakada Al-shabaab, ahaana ku xigeenka Hoggaamiyaha Guud ee Al-shabaab.

Ciidamada Kenya oo Qayb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia - AMISOM ayaa kula jiray Dagaal Al-shabaab tan iyo Sannadkii 2011-kii; markaas oo kumanaann Ciidanka Kenya ah ay Gudaha u soo galeen Somalia, Inkastoo xilli dambe ay ku biireen AMISOM.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in Duqeynta ay ka fuliyeen gudaha Somalia ay ku dileen madaxii Sirdoonka Al-shabaab, Mahad Maxamed Karatee oo ahaa ku xigeenka madaxa guud ee Al-shabaab.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Mahad Karatee uu ahaa Saraakiishii udub-dhexaadka u ahaa Weerarkii bishii lasoo dhaafay ee Jannaayo ay Al-shabaab ku qaadeen Saldhigga ay AMISOM ku leedahay Deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo, kaas oo lagu dilay Askar badan oo Kenyaan ah.

Dhanka kale, Afhayeenka Ciidanka Kenya, Col. David Obonyo oo la hadlayay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya, ayaa isagana sheegay inay duqeynta oo dhacday 08-dii bishan Feberaayo lagu dilay afartameeyo xubnood oo ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab oo Tabbabar dhameystay, ayna tiro kale dhaawacmeen.

“Mahad Karatee, waxaa la dilay isagoo Tababbar u soo xirayay Siddeetameeyo Xoogagga Amniyaadka Al-shabaab ka tirsan oo Tababbar dhameystay. Waxaana lala dilay 10-sarkaal oo meel dhexaad ah & 42 xubnood oo xoogagii tababarka loo soo xirayay ka mid ah, kuwo kalena waxay baxsadeen iyagoo dhaawacyo qaba,” ayuu yiri Col. Obonyo.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in duqeyntu ay ka dhacday xerada Nadaaris oo u dhexeysa Magaalooyinka Bu’aalo iyo Saakoow oo ka Tirsan Gobolka Jubbada Dhexe oo ah Gobolka keliya ee ay si buuxda gabi ahaantiis gacanta ugu hayso Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa Warbixino ay soo dhigtay shabakadaha taageera ku sheegtay in aysan jirin Saraakiil ay Kenya duqeyn uga digtay, iyagoo ku xustay Warkooda in Dhamaan saraakiishooda iyo ciidamadooda ay dhan yihiin oo aysan jirin cid ka maqan.

"Dhamaan Askarta iyo Saraakiisha Mujaahidiinta way bad qabaan, ma jiraan cid duqeyn ah ay Kenya ka geystay Koonfurta iyo Bartamaha Somalia looga dilay,” ayuu sarkaal ka tirsan Al-shabaab ka sheegay Idaacadda Al-shabaab ee Andalus.

Ugu dambeyntii, Al-shabab ayaa marar badan oo hore weerarro ay ku dhinteen in ka badan 400-qof oo Keenyaan ah, waxay ku qaadeen deegaanno Kenya ka mid ah; kuwaasoo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya