4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2016
Madaxweynaha Kenya oo sheegay inay Xabsi u dhisayaan dadka looga shakiyo Argagaxisonimo


Khamiis, Feberaayo 18, 2016 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inay dhisayaan xabsi cusub, kaasoo lagu xabisi doono dadka looga shakiyo inay xiriir la leeyihiin Kooxaha argagaxisada ah iyo taageerayaashooda.

Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa kaga dhawaaqay Qorshahan Cusub ee lagu dhisayo xabsiga u gaarka ah kooxaha argagaxisada ah xaflad ay 2,000 oo Ciidammada ilaalada xabsiyada Kenya ah ku qalin-jabinayeen.

“Waxaan dhisaynaa xabsi cusub oo lagu xiri doono kuwa ku lugta leh falalka argagaxisada ah. Tani waa mid aan ku doonayno in aanan u ogolaan Argagaxisada inay Fikirkooda nagu dhex-faafiyaan,” ayuu yiri Kenyatta.

Sidoo kale, Madaxweyne Uhuru ayaan wax Faah-faahin ah ka bixin halka laga dhisi doono iyo xilliga dhismaha Xabsigaan la billaabi doono. Iyadoo Saraakiil ka mid ah Xukuumadda Kenya ay walaac ka qabaan in xabsigan dhexdiisa Kenyaan badan ay ka Qoran karaan.

Afartii Sano ee lasoo dhaafay ayaa Dalka Kenya waxay ka dhacay Weerarro kala duwan oo ay mas'uul ka ahayd Al-shabaab, waxaana kii ugu dambeeyay uu ahaa weerarkii horraantii Sannadkii hore lagu Qaaday Jaamacadda Gaarisa, kaas oo lagu dilay in ka badan 148-ruux oo u badan ardaydii Jaamacadda.

Laakiin, Qorshahaan cusub ee ay Kenya ku dhisayso xabsiga Argagaxisada lagu xiri doono ayaa waxaa laga muujinayaa walaacyo kala duwan, iyadoo Prof. Octavian Gakuru oo wax ka dhiga Jaamacadda Nairobi uu su’aalo badan iska weydiinayo xabsigaan cusub.

“Haddii qof 14-jir ah lagu helo hub ama uu galo dambiyo ay ka mid yihiin dilal uu geystay iyo burburin hanti maxaa dhici doona? ... Waxaan ku talinayaa in dadka Kenyaanka ah iyo kuwa aan Kenyaanka ahayn waa inay helaan xorriyadda ay u leeyihiin iyo cadaalad,” ayuu yiri said Gakuru.

Dhanka kale, Qorshahan Xukuumadda Kenya ay ku dhisayso xabsigan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo bishii hore ay Al-shabaab ku dishay saldhigga AMISOM ee Ceel-cadde ee Gobolka Gedo tiro ka mid ah ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaa waxay ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya Bishii Oktoobar ee Sannadkii 2011 si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, inkastoo ay xilli dambe ku biireen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo xilligaan ka Hawl-gala Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya