4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2016
Dadka Uganda oo saakay u Dareeray Doorashada Guud ee Waddankooda ka Dhacaysa Maanta


Khamiis, Feberaayo 18, 2016 (HOL) — Abbaare 7:00 Subaxnimo ee saakay ayaa shacabka Uganda waxay u dareereen doorashada guud ee dalkaas ka dhacaysa maanta. Doorashadan ayaa shacabka reer Uganda waxay kusoo dooranayaan qofkii madaxweyne u noqon lahaa, xildhibaanada baarlamaanka iyo weliba Hoggaamiyeyaasha Maxalliga ah.

Illaa Tobanaan Kun oo goobood oo ku kala yaalla degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan dalka Uganda ayay shacabku ka codeynayaan. Doorashadaan ayaa waxaa dad badan filayeen in Madaxweynaha haatan talada dalkaas haya ee Yoweri Kaguta Museveni uusan ka Qayb-geli doonin doorashada Madaxweynenimada markaan, maadaama muddo 30-sano ah uu xukunka dalkaas haystay, isla markaana dhowr jeer oo hore dib loo doortay. Hase yeeshee, Madaxweyne Yoweri Musaveni ayaa wuxuu ka mid yahay hadda murashaxiinta ka qayb-galaya doorashadan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la Tartamaya ninka ugu cad-cad axsaabta mucaaradka dalkaa, waa ninka lagu magacaabo, Kizza Besigye iyo Ra;iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Amama Mbabazi. Doorashadaan ayaa imaanaysa ayadoo carqalado ay ka dhaceen dalkaasi Uganda Isniintii lasoo dhaafay ee toddobaadkan ay boolisku ay qabteen Mr. Kizza Besigye dabcan ka hor intii aysan sii deyn.

Dowladda Uganda, ayaa ku eedeynaysa Mucaaradka inay Sameysanayaan kooxo Amni oo hubeysan, kuwaasoo ay ku tilmaantay inay yihiin Malleeshiyooyin, isla markaana ay yihiin sharci-darro maadaama aan la ogoleyn in cid aan ciidamada amaanka gaar ahaan Booliiska ahayn ay sugaan ammaanka gudaha dalkaas.

Waxaa lagu soo waramayaa in Amniga aad loo adkeeyay; gaar ahaan goobaha cod-bixinta. Doorashada ayaa waxaa la filayaa in lasoo af-jaro 4:00 Galabnimo ee maanta.

Soomaali badan ayaa dalkaas ganacsiyo ku leh ama ka shaqeysta halka Qaarna ay Qaxooti ku yihiin. Uganda ayaa ah dalka leh ciidamada ugu badan ee Qaybta ka ah ciidanka Nabad-ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

Ugu dambeyn, Sida ay qabaan qaar ka mid ah dadka Qaadaa-dhiga siyaasada ayaa waxaan la filayn inay qul-qulatooyin ka dhacaan Uganda inta lagu jiro doorashadan iyo doorashada kaddib, iyadoo la fili karo inay dhacaan fowdooyin yar-yar, maadaama awoodda dalkaas ay gacanta ugu jirto ciidamada ammaanka ee dalkaas.

Hiiraan Online, News Desk