4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2016
Ciidanka GALMUDUG oo Maanta awood kusoo Furtay Ruux Keenyaan ah oo loo haystay Afduub


Arbaco, Feberaayo 17, 2016 (HOL) — Maamulka Galmudug ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen maanta ku sheegay in Ciidamadooda Nabad-sugidda ay Xoog kusoo Furteen James Gajumbo oo u dhashay Kenya, kaasoo muddo 15-bilood ah afduub loogu haystay deegaano ka tirsan Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan (Masaga-waa) ayaa sheegay in ciidamada Galmudug ay ku guuleysteen inay soo furtaan Ajaanib loo haystay Af-duub.

“Galmudug oo in muddo ah wadday dadaallo lagu sugayo Ammaanka iyo Nabad-galyada deegaanadeeda ayaa maanta ku guuleystay inay soo furtaan James Gajumbo oo u dhashay Dalka Kenya oo la Afduubay - November ee Sannadkii 2014-kii,” ayuu yiri Wasiirka, oo intaas ku daray in sidoo kale Ciidanka Galmudug ay horay u soo waxay soo furteen Bishii November ee sannadkii hore 2015-kii - Afar qof oo kale oo u dalka dalka Iiraan, kuwaasoo Afduub ahaan loo haystay.

Sidoo kale, Wasiir Masaga-waa mar kale yiri. “Maamulka Galmudug ee Somalia waxaa ka go’an sidii deegaanada Galmudug loo nabadeyn lahaa, loona xasillin lahaa. madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Amray Ciidanka inay Gacan adag ku qabtaan Ammaanka deegaanada Galmudug oo muhiim u ah horumarka Maamuka.”

“Ciidanka Galmudug oo fulinaya Amarrada Madaxweynaha Galmudug ayaa ku guuleystay maanta inay soo furteen James Gajumbo oo si xoog ah loogu haystay afduub,” ayuu wasiir Masaga-waa mar kale yiri.

Ugu dambeyn. Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug inay la shaqeeyaan ciidamada amniga Maamulka si amniga deegaannada maamluku uu ka taliyo loo sugo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya