4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2016
Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Dalka Itoobiya oo ku kulmay Addis Ababa


Arbaco, Feberaayo 17, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas oo shalay u dhoofay Dalka Itoobiya ayaa maanta kula kulmay Xarunta Itoobiya ee Addis Ababa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr. Tedros Adhanom iyo saraakiil kale oo xukuumadda ka tirsan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Adhanom ayaa hadal kooban ku sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Puntland ay kulankooda kaga hadleen nooca dooarasho ee ka dhici doonta Somalia dhammaadka sannadkan lagu jiro ee 2016-ka.

Sidoo kale, Dr. Tedros Adhanom ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in Xukuumadda Itoobiya ay Gacan muuqata ka geysanayso sidii Somalia ay Xasillooni buuxda uga dhici lahayd, isla markaana ay taageerayaan doorashooyinka sannadkan ka dhici doona Somalia.

Adhanom ayaan sheegin nooca doorasho ee ay kawada hadleen isaga & madaxweyne Gaas iyadoo la Xusuusto in Madaxweynaha Puntland uu horay u diiday in uu Aqbalo in dalka ay ka dhacdo doorashada nooca 4.5-ka ah, Taasoo uu Xusay in dadka Puntland aysan ogoleyn doorashada noocaas ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaan Faahfaahin ka bixin Qodobbadii ay kulankan uga Wada-hadleen isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Itoobiya, Tedros Adhanom iyo weliba Saraakiisha kale ee ka tirsan Xukuumadda Itoobiya ee ay wada kulmeen.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Mas’uuliyiinta Puntland ay ka diideen wafdi ka Socda Beesha Calaamka oo Booqday Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland inay ka Aqbalaan inay qaataan Nidaamka Doorasho ee 4.5-ka ah, iyadoo fashil uu ku dhammaaday kulammadii Puntland iyo Xubnihii k socday Beesha Caalamka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa markii uu shalay ka dhoofayay Garoowe, Wuxuu sheegay inuu Xukuumadda Itoobiya ka helay marti-qaad, uuna safarkiisa salka ku hayo marti-qaadkaas, isagoo aan bixin Faahfaahin intaas ka badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya