4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2016
SAWIRRO: Wasiiradda Waxbarashada DFS oo ka Qayb-gashay Xiritaanka Tar-tankii Jeem ee Qatar


Arbaco, Feberaayo 17, 2016 (HOL) — Wasiiradda Waxbarashada Somalia, Khadra Bashiir Cali ayaa Magaalada Doxa ee Xarunta Dalka Qatar ugu qayb-gashay Xaflad lagu soo xiray Tartanka Cayaartoyda da’da yar ee waddamada Carabta oo ka socday Maalmahaan xarunta dalka Qatar ee Dooxa.

Hadal ay munaasabadda xirtaanka ka jeediyay wasiirad Khadro ayaa waxay ku ammaantay ciyaartoyda da’da yar ee magaca Somalia ku tartamayay guulihii ay soo hoyeen intii uu tar-tanku socday, sidoo kalena waxay ammaantay Jaaliyadda Soomaaliya ee ku nool Dooxa oo taageerayay ciyaartoyda intii tartanku socday.

Cayaartoyda Soomaaliyeed ee da’da yar oo ka Socday Iskuulka Hoose/Dhexe iyo Sare ee Muqdisho ayay da’doodu ahayd 11-sano jirro, Waxayna ciyaareen saddex kulan, kuwaasoo kooxihii ay la ciyaareen bar-barro la galay.

Dalalka ay la ciyaareen ciyaartoyda da’da yar ee Soomaaliyeed ayaa waxay kala ahaayeen, Cayaartoyda da’yar ee Saudi Arabia, kuwa Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo weliba kuwo matalayay dalka cayaarahan marti-geliyay ee Qatar.

Kooxihii ay la ciyaareen xulka da’yarta Soomaaliyeed, ayaa waxay lab aka mid ah oo kala ahaa; Saudi Arabia iyo Imaaraadka Carabta ay la galeen bar-barro min hal gool ahaa, halka Xulka Qatar oo ciyaar adag ay dhex-martay ay ku kala baxeen bar-barro 3-3 gool ah.

Inkastoo cayaartoyda da’da yar ee Somalia ay ka hareen Tartanka Jeem Cup, ayaa haddana waxay lasoo noqonayaan guul-darro la’aan, taasoo ay si aad ah u soo dhaweeyeen bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda dalka ku nool.

Dhanka kale, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar oo uu horkacayay Qunsulka Safaarada Somalia ee Qatar, Mukhtaar ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in cayaartoyda Soomaaliyeed ee da’da yar ay dib Somalia ugu noqonayaan iyagoo Mustaqbal leh.

Ugu dambeyn, Cayaartoyada da’yarta ee Matalayay Somalia waxaa guddoonsiiyay Abaal-marin, Ugaas Ahmed Daahir iyo Dr. Cariif, iyagoo ku Ammaanay Cayaartoyda Cayaarihii Aadka u Wanaagsanaa ay Muujiyeen intii ay tartanka ka Qayb-qaadanayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya