4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2016
Ninkii isku Qarxiyay Diyaaradii DAALLO oo la Sheegay inuu Hargeysa ka ahaa Macallin DUGSI


Arbaco, Feberaayo 17, 2016 (HOL) — Warar ay baahiyeen Warbaahinta Calaamka qaar ka mid ah Arbacada Maanta ah ayaa lagu Shaaciyay in Ruuxa looga Shakisan yahay inuu isku Qarxiyay 02-dii bishan Feberaayo, Diyaaraddii DAALLO Airlines uu ahaa Macallin Dugsi Islaami ah oo ku yaalla Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Qoraal ay Baahisay Wakaaladda AP ayaa lagu sheegay in Cabdullaahi C/salaan Boorle loo Aqoonsaday inuu ahaa Ruuxii isku dayay in uu Diyaaradda oo Muqdisho ka duushay kuna Socotay Jabuuti iyo Rakaabkeedaba uu soo rido, isagoo Laptop Waxyaabo qarxa lagu xiray adeegsanaya.

Sheekh Maxamed C/llaahi oo imaam ka ah Masjid ku yaalla Magaalada Hargeysa oo uu ka yimid Boorle ayaa u sheegay AP inay is-arkeen Bishii Jannaayo ee 2016-ka, isla markaana uu u sheegay inuu Muqdisho u socod, si uu Baasaboor u soo qaato.

“C/llaahi Boorle wuxuu u dhoofay Magaalada Muqdisho si uu Baasaboor u soo qaato, uuna ugu sii dhoofo Dallaka Turkiga ama India Sababo Caafimaad Darteed,” ayuu Sh. Maxamed u sheegay Wakaaladda AP.

Xarakada Al-shabaab ayaa toddobaadkan sheegatay mas’uuliyadda Weerarkii la doonayay in lagu soo rido Diyaaraddii Daallo Airlines, iyagoo xusay, inay si gaar ah u Beegsanayeen xubno la shaqeeya Sirdoonka Reer Galbeedka iyo Turkiga.

Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan Waaxda Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa la sheegay inuu isku dubariday weerarka, isagoo kazoo muuqday kaamirada qarsoon ee ku xiran Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ninkan uu ka mid ahaa 20-ruux oo Xukuumadda Somalia ay xiray Shilkii Diyaaradeed.

C/llaahi Boorle, ayaa u Muuqday ruux Taageero ka helayay dhinacyo badan, isla markaana Aaladda uu u Adeegsaday Qaraxana uusasn marin qalabka wax lagu baaro yaalla Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, Sarkaal ka tirsan sirdoonka Somaliland ayaa isagana sheegay in inay indhaha ku hayeen dhaq-dhaqaaqa C/llaahi Boorle, balse aysan marnaba ka filayn inuu ahaa ruux u khatar ahaa sidan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in safaaradda Somalia ee Ankara ay beenisay in ay Ninkaan Fiiso u dalabtay, kaddib markii la ogaaday in Warqad ay Safaaradda Turkiga ee Somalia u qortay, si ay Fiiso ama Dal-ku-gal ugu dalabto Cabdullaahi Boorle, iyadoo Warqaddaas ku tilmaantay mid been abuur ahayd oo aysan waxba kala socon.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa wadda Baaritaanada sida ay suuro-galka u noqotay qaraxii Diyaaraddii Daallo ka dhex-dhacay, inkastoo Diyaaraddu ay si nabad-galyo ah ugu soo laabatay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, shilkan diyaaradeed ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof oo ka mid ahaa rakaabka, iyadoo ninka laga shakisan yahay inuu Qaraxan fuliyay uu Diyaaradda uga dhacay meel ku dhow degmada Balcad, halkaasoo Goor-dambe maydkiisa laga soo helay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya