4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2016
Gaadiid lagu wareejiyay Maanta taliska Ciidanka BOOLIISKA Gobolka Hiiraan [SAWIRRADA]


Arbaco, Feberaayo 17, 2016 (HOL) — Taliyaha Guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jen Max'ed Sheekh Xassan Xaamud ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad gaadiid loogu wareejinayay taliska booliiska gobolka Hiiraan oo lagu qabtay magaalada Beledweyne.

Munaasabada oo lagu qabtay xarunta taliska AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale, Waxaa ka Qayb-galay, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, taliyaha ciidammada booliiska gobolka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle, taliyaha Ciidanka Jabuuti ee Qaybta ka ah Hawl-galka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Col. Cismaan Dubad iyo saraakiil kale oo ka soctay qeybaha kale ee Ciidamada.

Col. Isaaq Cali C/lle ayaa sheegay in gadiidka maanta lagu wareejiyay noqon doonaa kuwo Wax weyn ka tara Hawl-gallada Ciidamada Booliiska ay ku sugaan ammaanka guud ahaan gobolka, gaar ahaan Beledweyne, isagoo intaa ku darray inay kusoo beegmeen xili boliiska gobolku baahi-weyn u qabay in ay helleen gadiidkan oo kale.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in Gadiidkaan oo ka kooban Shan, laba ka mid ah loogu tala-galay ciidamada Booliiska ka howlgala magaalada, halka saddexda kalana loogu deeqay qeybta miino baaristan ee ciidammada booliiska oo ku shaqeyn doonna.

''Labo ka mid ah Gadiidka waxaa ku deeqay Dowladda Jarmalka, Saddexda kalana, waxaa ku deeqay hay'adda QM u qaabilsan miino baarista,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka.

Taliyaha ciidammada booliiska Soomaaliyeed Jen Max'ed Sheekh Xasan Xaamud oo hadal kooban jeediyay ayaa kula Dar-daarmay Taliska Booliiska Gobolka Hiiraan inay ilaaliyaan kana faa'iideystaan Gadiidka oo ah ayuu yiri kuwo loogu tala-galay in loogu adeego dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan.

''Taliska Booliiska Gobolka Hiiraan, waxaan kula dardaarmayaa inay ilaaliyaan gaadiidkan loogu deeqay uguna adeegaan bulshada ay mas'uuuliyada Ammaanka u ahayaan,'' ayuu yiri taliyahay ciidammada booliiska Soomaaliyeed.

Gaadiidkaan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee loogu deeqo ciidammada Booliiska ka Hawl-gala Gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya