4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2016
Xukuumadda ITOOBIYA oo sii daysay hogaamiye Mucaarad oo Cod dheer iyo Macallin Siyaasi ah


Arbaco, Feberaayo 17, 2016 (HOL) — Dowladda Itoobiya, ayaa Shalay oo Talaado ahayd xabsiga kasii daysay Habtamu Ayalew oo ah madaxa xiriirka bulshada ee xisbiga Midowga Dimuquraadiyadda iyo Cadaaladda ee UDJ oo ka mid ah asxaabta mucaaradka Itoobiya iyo Abraham Solomon oo ah Macallin Siyaasi ah, kuwaasoo Xabsiga la dhigay Sanadkii 2014-kii.

Labadan mas’uul ee xabsiga laga sii daayay ayaa waxay xukuumadda Itoobiya u Cuskatay xarigooda eedo la xiriira xeerka la dagaalanka Argagixisada ee dalkaas u dhigan, kaasoo si weyn loogu kala aragti duwan yahay, isla markaana muran xooggan uu ka jiro.

Hoggaamiyaha Mucaaradka iyo Siyaasiga xabsiga laga sii daayay ayaa wax Dambi ah lagu waayay, kaddib markii Sannadkii hore ee 2015-ka, lasoo taagay Maxkamada Federaalka ee Itoobiya, markaasoo maxkamaddu ay amar ku bixisay in lasii daayo.

Sidoo kale, Tan iyo markii Maxkamadda Federaalka Itoobiya ay Amartay in laga sii daayo Xabsiga labadan xubnood, ayaa Waxaa lagu hayay saldhig Booliis oo ku yaalla Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya.

Xabsi ku haynta Hoggaamiyahan iyo Siyaasigan ayaa ku timid, kaddib markii uu ka qaatay Gar-yaqaanka Xukuumadda Itoobiya racfaan xukunkii Maxkamadda ee ahaa in dambi lagu waayay oo lasii daayo labadan mas’uul.

Dhanka kale, inkastoo lasii daayay labada ruux, haddana codsigii Gar-yaqaanka dowladdu wali waa taagan yahay, waxayna wajihi karaan eedo cusub oo la xiriira inay ka tirsan yihiin koox dalkaas laga Mamnuucay oo la yiraahdo  Ginbot7, taasoo ay xukuumaddu u aqoonsan tahay Argagaxiso.

Ururrada u Dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa Waxay Dowladdu ku eedeeyaan in ay Xeerka la dagaalanka Argixisada ku Caburiso Mucaaradka iyo inay gacan ku qabatay Saxaafadda, waxaana xabsiga Itoobiya ku xiran dad badan oo isugu jira mucaraad iyo suxufiyiin, halka qaar kalena ay naftooda la baxsadeen oo ay ka carareen Itoobiya.

Si kataba ha ahaatee, doorashadii ugu dambeysay ee ka dhacday dalka Itoobiya ayaa waxaa kuraasta baarlamaanka dalkaas wada helay xisbiga xukuma waddankaas ee EPRDF, iyadoo Axsaabta Mucaaradka ah aysan baarlamaanka ka helin cid ku metesha.

Ugu dambeyn, Waddanka Itoobiya ayaa waxaa lagu tiriyaa Waddamada Qaarada Afrika ee Cadaadiska ba’an ku haya Suxufiyiinta iyo Xubnaha mucaaradka ah ee xukuumadda kasoo hor-jeeda, iyadoo mararr bada Xukuumadda Addis Ababa loogu baaqay inay Xabsiyada ka sii dayso Suxufiyiinta iyo Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ah ee Xiran.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya