4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2016
AL-SHABAAB: Weerarada Saldhigyada Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM waan kordhinaynaa


Arbaco, Feberaayo 17, 2016 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku Han-jabtay inay Sare u qaadayso weerarada ay ku beegsanayso saldhigyada ciidanka Dwladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Afhayeenka Hawl-gallada ee Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay inay kordhinayaan Weerarrada ay la beegsanayaan ciidamada ay dagaallada kula jiraan ee AMISOM iyo Dowladda FS.

Sidoo kale, Abu-Muscab ayaa sheegeay in Weerarkii Habeen hore ay ku qaadeen Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose uu u dhacay sidii ay ugu talo-galeen, isagoo xusay in gaadiid dagaal iyo saanad millateri ay ku furteen.

“Degmada Afgooye gudaha ayay ciidankeenu u galeen, saacado ayayna ku hayeen gacanta, waxaa ku qabsanay gaadiid dagaal, saanad hub, dhawr gaari waa gubnay,” ayuu yiri Abuu-muscab oo xusay inay dhowr askari oo ka tirsan ciidanka dowladda weerarkaas ku dileen.

Xukuumadda Somalia ayaa ciidammo u dirtay degmada Afgooye oo 30-Km kaga beegan Muqdisho Dhanka Koonfureed, halkaasoo ay Baaritaanno ka wadaan si ay u soo Qabtaan ciddii ku lugta lahayd weerarkii Al-shabaab ee Afgooye.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa weli ka talinaysa deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyagoo Weerarro gaadmo ah la beegsanayay xilliyadii dambe saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda So alia ay ku leeyihiin deegaanno dalka ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya