4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 16, 2016
Murashaxiinta Doorashada Uganda oo Maalintii ugu dambeysay Ololahooda Dhigaya (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 16, 2016 (HOL) — Shacabka dalka Uganda ayaa waxay Khamiista soo socota ee Toddobaadkan u dareeri doona Doorashada Madaxweynaha ee dalkooda ka dhici doonta, Taasoo ay ku Tartamayaan Siddeed Murashax oo uu ka mid yahay Madaxweynaha talada haya Museveni, ayna ku jirto Haweeney.

Musharaxiinta dalka Uganda ayaa maanta soo gaba-gabeynaya ololahooda doorashada iyo Dibad-baxyada ay Taageerayaashooda kula Hadlayaan; Waxaana Xubnaha la Filayo in uu tartanka adag dhex-maro ay kala yihiin; Madaxweynaha talada dalkaas haya ee Museveni, Kizza Besigye iyo Amama Mbabazi oo Mucaarad ah, kuwaas oo Sameynaya Ololahoodii ugu dambeeyay.

Hoggaamiyaha Xisbiga FDC, Kizza Besigye oo shalay saacado kooban ay xireen ciidanka booliiska Uganda ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ku Xad-gudubay amar ay Booliisku soo saareen oo ahaa inaan magacaalada Mashquul laga dhigin.

Sidoo kale, Amama Mbabazi oo ka mid ah murashaxiinta dhanka mucaaradka ah horayna RW uga soo Noqday Uganda ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Dalkaas, Museveni in uu qal-qal wado, isla markaana uu tacadi badan geysanayo.

Waddooyinka magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa waxaa Maanta socod ku Marayay Musharraxiinta Xilka ku loolamaya, kuwaas oo saarnaa Baabuur dusha ka Furan, iyagoo baaqyo u dirayay taageerayaashooda.

Dhanka kale, Madaxweyne Yoweri Museveni oo soo xukumayay Uganda tan iyo Sanadkii 1986-kii oo uu xukunka dalkaas Afgambi kula wareegay, ayaa Wuxuu mar kale doonayaa in xilka loo doorto, iyadoo haddii la doorto ay noqonayso lix jeer inta Hoggaanka Uganda loo dooranayo.

Ugu dambeyn, Dadka siyaasada Uganda la socda ayaa aaminsan inay u badan tahay in mar kale Yoweri Musaveni la doorto, Waxaase jirta baqdin laga qabo in doorashada dalkaas ay isku bedesho rabshado uu dhiig ku daato.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya