4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 16, 2016
Hogaamiyaha Mucaaradka Burundi oo ka hadlay eeddii dhawaan loo jeediyay Dowladda Rwanda


Talaado, Feberaayo 16, 2016 (HOL) — Hoggaamiyaha Xisbiga Dimuqraadiyadda Burundi ee FRODEBU, Jean Minani oo dibad-joog ka ah waddankiisa ayaa sheegay in eeddiihii loo jeediyay dhawaan xukuumadda Rwanda ee ahaa inay ku lug leedahay rabshadaha ka socda Burundi ay tahay mid ay Dowladda Burundi ku qarinayso colaadda u dhexeysa Huutuu-ga iyo Tursi-ga Burundi.

Minani ayaa intaas ku daray in eedeynta loosoo jeediyay Rwanda uu Pierre Nkurunziza oo ah Madaxweynaha Waddanka Burundi uu ku doonayo inuu Ra’yiga Calaamka uga jeediyo dhibaatooyinka ka taagan Dalka.

“Eedeynta dalka Rwanda loo jeediyay waa marmarsiiyo cusub oo xukuumadda Burundi ay ku doonayso inay kaga meer-meerto ka qaybgalka wadahadallada u dhexeeya Mucaaradka iyo Xukuumadda, mana doonayso in Colaadda ka Taagan Waddanka lagu dhameeyo Qaab wadahadal ah,” ayuu yiri Jean Minani.

Sidoo kale, Minani ayaa intaa ku daray inuu aad ula yaaban yahay sababaha loo eedeynayo Qoxootiga Burundi ee ku sugan Rwanda oo la sheegayo in Tababarro iyo hub lasoo siiyo si ay uga qayb-qaataan dagaalka lagu ridayo xukuumadda ka talisa Bujumbura, loona eedeyn la’ yahay Qoxootiga Burundi ee ku sugan dalalka Congo, Tanzania iyo Uganda.

Dhawaan, ayay ahayd markii Linda Thomas-Greenfield oo Arrimaha Afrika Wakiil uga ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay ku eedeysay Xukuumadda Rwanda inay ku lug leedahay colaadda ka taagan Burundi, ayna Qoxootiga ku sugan Dalkeeda ee u dhashay Burundi ay soo hubiyaan si ay colaadaha dalka Burundi ka taagan uga Qayb-qaataan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Burundi, Alain Nyamitwe, ayaa isaguna Warbaahinta u sheegay Toddobaadkii lasoo dhaafay inay horay uga digeen fara-gelinta Dalka Rwanda ay ku hayso dalkeeda, ayna hubeynayso qoxootiga Burundi ee dalkeeda ku sugan.

Laakiinse, Jean Minani ayaa sheegaya in colaadda ka taagan dalka Burundi ay tahay mid u dhexeysa Dadka Burundi, balse aysan ahayn mid u dhexeysa Dalalka Burundi iyo Rwanda.

“Kuwa dhahaya, Rwanda waxay hubeynaysaa Qoxootiga Burundi ee Dalkeeda ku sugan si ay ula dagaallamaan xukuumadda Nkurunziza, waa kuwo doonaya inay dhibaatada ka jirta Burundi noqoto mid u dhexeysa Dowladaha Rwanda iyo Burundi. Dhanka kale Nkurunziza wuxuu doonayaa in dhibaatada Burundi ay noqoto mid u dhexeysa beelaha, balse waxaan u sheegi lahaa in dhibaatada jirta aysan ahayn mid beeleed, waa mid siyaasadeed, waana mid ka dhalatay Nkurunziza oo doonaya inuu awooda si awood ah ku qabsado mar saddexaad,” ayuu Jean Minani ku daray hadalkiisa.

Dhanka kale, Minani ayaa sheegay in Xisbigiisa iyo mucaaradka kale ay doonayaan in lagu dhameeyo dhibaatada Burundi Qaab Wadahadal ah oo aan lasii murjin.

“Innagu waxaan doonaynaa in dhibaatada lagu xalliyo si nabad ah oo wadahadal ku dhisan. Waxaanan doonaynaa inay dalalka Bariga Afrika ay ka qayb-qaataan sidii lagu xallin lahaa colaadda dalkeenna. Innagu mar walba waxaan doonaynaa in nabad la helo,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dabmeyn, Hoggaamiyaha Mucaaradka FRODEBU ee Dalka Burundi ayaa Hadalkiisa kusoo Gunaanaday inaan dhibaatooyin cusub loo horseedin Qoxootiga Colaadaha Burundi ka socda ee ku nool dalalka Gobolka, gaar ahaan Rwanda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya