4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 16, 2016
Magaalada Muqdisho oo Maanta laga furay Hotel Cusub oo lagu Magacaabo AL-FURAT (SAWIRO)


Talaado, Feberaayo 16, 2016 (HOL) — Maanta oo ay Taariikhdu Tahay 15-ka Feberaqayo, 2016-ka ayaa waxaa xarigga laga jaray hotel casri ah oo lagu magacaabo AL-FURAT, kaas oo dhismihiisu socday muddo bilooyin ah, iyadoo maanta lagu qabtay xaflad furitaan ah oo ay ka qayb-galeen Marti-sharaf ay ka mid yihiin; Ganacsatada Muqdisho, Xubno ka socday Rugta ganacsiga, milkiilayaasha Shirkadaha Ganacsiga iyo kuwa Hoteellada Muqdisho.

AL-FURAT Hotel ayaa ku fadhiya dhul baaxadiisu gaareyso 7,000 Mitir oo laba Jibbaaran (100x70), Wuxuuna ku yaallaa Waddada Makka Al-Mukarama, Dhinaca Degmada Hodan, Wuxuuna ka kooban yahay Hoteel iyo Maqaahiyo laga Cunneeyo oo laga helo Cunooyinka Carabta, Sida; Mandiga, Beryaani, Xaniid iyo Cuntooyinka Asian-ka, Italian-ka iyo Midda Soomaalida, iyadoo ay ka Hawl-galaan Cunto kariyayaal Xirfadooda sarreyso oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali.

Sidoo kale, Hoteelkan cusub ayaa wuxuu leeyhay Cafateria weyn iyo Maqaayayd u gaar ah Mac-macaanka. Waxaana Hoteelku leeyahy hoolal waaweyn iyo kuwo yar-yar ee Shirarka, Siminnaarada, Xafladaha Aroosyada iyo Munaasabadaha kala duwan.

Maamulaha Hoteelka, Xasan Sheekh Axmed oo ayaa sheegay in Macaamiishooda ay ugu Talo-galeen adeeg la mid ah adeegayda Hoteellada Caalamiga ah, iyadoo sidoo kale dadka dibadda ka imaanaya ay Booking ka sameysan barta Internet-ka hoteelka, iyadoo la siinayo Qiime macquul ah iyo Adeeg Wanaagsan.

“Waxaa kaloo Hoteelkan laga helayaa Adeegyada Macaamilka uu u baahan yahay oo dhan sida; Xafiiska Tikidhada (Travel Agency), Doobbi Casri ah (Dry Cleaning) iyo Sidoo kale dukaammo kala duwan oo isugu jira kuwa dharka, electaronicska iyo Wax-yaabaha la isku qurxiyo (Cosmetics),“ ayuu yiri Xasan Sh. Axmad.

Ugu dabmeyn, Magaalada Muqdisho ayaa Waxay Xilliyadii dambe  soo jiidatay Ganacsato fara badan oo Somalia iyo Ajnabi isuug jira, Kuwaasoo doonaya inay ku sameystaan Maal-gashiyo Mashaariic kala duwan iyo Adeegyo kale oo Muhiim u ah Bulshada Muqdisho ku  Nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya