4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 16, 2016
Xukuumadda Washington oo Beenisay in Diyaarad DRONE ah ay uga dhacday Gudaha Soomaaliya


Talaado, Feberaayo 16, 2016 (HOL) — Iyadoo shalay ay Xarakada Al-shabaab ee Somalia sheegtay inay gacanta ku dhigeen diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka loo yaqaan oo soo dhacday, ayay dowladda Mareykanka waxay sheegtay inaysan jirin diyaarad uga dhacday Somalia.

Wasaarada Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in aysan Drone ay leeyihiin ku dhicin Soomaaliya, waxayna sheegashada Al-shabaab ku tilmaameen mid aan jirin.

Shabakado Taageera Al-shabaab ayaa sheegay in diyaarad Drone ah oo siday lix gantaal ay ku dhacday deegaanka Shan-dacar oo 70-km u jira Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Xarakada Al-Shabaab, ayaa Waxay kaloo sheegeen in Diyaaraddaan ay u Qaateen Goob ay iyagu maamulaan, iyagoo xusay inay ka mid tahay diyaaradaha Mareykanka ee duqeymaha ka geysata deegaannada Koonfurta Somalia ee ay ka taliyaan.

Afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka ayaa Sheegay in Dhammaan Diyaaradaha Saldhigga Mareykanka AFRICOM la tiriyey, aysanna jirin wax tilmaamaya inay ku dhacday Somalia diyaaradda ay Al-shabaab sheegeyso inay ka mid tahay kuwa Mareykanka.

Dhanka kale, Sarkaal ka tirsan Dowladda Somalia oo magaciisa Qariyay ayaa sheegay inay maqleen wararka diyaaradda soo dhacday, balse aysan xaqiijin karin cidda iska leh.

Ugu dambeyn, Illaa hadda ma jirto cid si madax-bannaan u Xaqiijin karta in ay Al-shabaab gacanta ku dhigeen diyaarad Drone ah oo soo dhacday, iyadoo ay diyaaradaha Mareykanka duqeymo dhowr jeer oo hore ka geysteen goobaha ay ka taliso Al-shabaab, iyagoo ku dilay saraakiil uu ka mid ahaa Hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya