4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 16, 2016
Waxgaradka Gobolka Awdal oo Maanta Cabasho ka keenay Gudiga Doorashada SOMALILAND


Talaado, Feberaayo 16, 2016 (HOL) — Odayaasha dhaqanka gobolka AWDAL iyo weliba Maamulka Magaalada Boorama ayaa Cabasho ka Muujiyay Hab-sami u Socodka Shaqo ee Diiwaan-galinta Cod-bixiyayaasha ee ka socota Degmada Boorama.

Diiwaan-galinta cod-bixiyayaasha ee dhawaan ka bilaabatay Degmada Boorama iyo Guud ahaanba Gobolka Awdal ayaa la sheegay in sidii la rabay aysan u socon, iyadoo ay jiraan dhaliiilo loo jeedinayo guddiga doorashooyinka Somaliland.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Awdal oo saxaafadda si wadajir ah ula hadlay ayaa sheegay in gabi ahaan hawlihii guddiga Doorashooyinku ay hadheeyeen Cilado Farsamo kuwaasi oo ah laba Dhinac.

Midda Koowaad, ayaa la sheegay in ka jirto Dhinaca Internet-ka, halka tan labaad ay tahay dadka loo qaatay shaqada guddiga gaar ahaan gobolka Awdal, kuwaasi oo lagu eedeeyay in aysan ka soo bixin howlihii loo igmaday.

Odayaasha Dhanka Gobolka Awdal oo Shir jaraa’id ku Qabtay Magaalada Boorama ayaa iyagoo ka hadlaya cilladaha hareeyay komishanka doorashooyinka ayaa waxay sheegeen.

‘Waxaan u jeedinaynaa Guddiga Doorashooyinka Soomaliland Diiwaan-galinta ka socota Gobolka Awdal in kolka u horeysa haday qalab Internet tahay iyo haday tahay Farsamada dadka ka shaqaynaya oo aan wax tababar ah la siinin ay wax ka qabato," ayuu yiri Suldaan Xasan Baade oo ka mid ah salaadiinta Gobolka Awdal.

Mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa isaguna yiri. ’Waxaan Xukuumada ugu baaqayaa inay Gurmad wayn u samayso dadka Abaaruhu ay saameeyeen illaahayna roob ha u keeno, Waar ummadani ilaa Labo sano ayay Abaari haysaa.”

Sidoo kale, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo goobta ka hadlay ayaa yiri. “Annagoo ah salaadiinta dhaqanka ee Gobolka Awdal waxaanu ka hadlaynaa arimo farsamo xumo ah oo ka jirta diiwaangalinta Codbixiyayaasha ee Gobolka ka bilaabmatay oo maalintii sadaxaad Socota waxaan u sheegaynaa Komishanka qaranka iyo Kan Gobolkaba in hawlo dib u dhac ahi ka socdaan Diiwaan-galintii Gobolka Markaa waxaan Leeyahay Arrintaasi Wax ha laga Qabto.

Dhinaca kale, Maayarka Magaalada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane oo Kormeer ku soo mar ay Xarumaha ay ka socdaan Diiwaan-gelinta ayaa wuxuu Carabka ku dhuftay inay Farsamo Xumo baahsani ka jirto Diiwaangalinta Gobolka Awdal ka socota.

“Ma ahan mid aan Maqalnay Waa Mid aanu ugu Tagnay Goobaha Diiwaan-gelinta kaddib Markii aan Goobo badan aan Marnay een taabanay hawshu siday u socoto Maaha mid aan ku qanci karno waa mid dhaliil baahsan ka jirto kow: qodobka ugu horeeyaa Internet-ka oo liita , ta kale dadka hawshan qabanaya oo iyagiiba xarfihiiba raadinaya oo hab qoraalkoodu uu aad u liito iyo ta sadaxaad oo ah Maamulka Goobta oo iyaguna is dhax yaacaya Markaa guddiga doorashooyinka, waxaan leeyahay waa in hawshaas dhaliisha ka timiday ay iyagu mas'uuliyadeeda leeyihiin ay wax ka qabtaan, waxaan kaloo jirta qalabka oo goobaha qaar fadhiya ayaanu ugu tagnay markaa Komishanka Doorashooyinku Hawshaasi si deg-deg ah ha Uga Hawl galaan oo wax haka qabtaan,” ayuu yiri mas’uulkan.

Ugu danbayn, Komishanka doorashooyinka Soomaliland ayaan wali si rasmi ah uga hadlin eedaymaha loosoo jeediyay oo maalmihii lasoo dhaafay si xowli ah isu soo tarayay, iyadoo dhaliishan ay kusoo beegmaysa, iyadoo gobolka Awdal ay ku sugan-yihiin Qaar ka mid ah Madaxda komishinka Doorashooyinka Somaliland.

Nuux Kadiye, Hiiraan Online
Booram, Somaliland