4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 16, 2016
Xoogagga Al-shabaab oo Xalay Weerar Culus ku Qaaday Degmada Afgooye ee Shabeellada Hoose


Talaado, Feberaayo 16, 2016 (HOL) — Ugu 10-qof oo dhinacyadi Dagalaamay ah ayaa ku Dhintay, tiro intaas ka badanna way ku Dhaawacmeen, kaddib markii xalay ay Xoogag Al-shabaab ka tirsan ay Weerar Culus ku Qaadeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ay u suuro-gashay inay Gudaha u galaan ayna la wareegaan gacan ku haynta saldhig ay ciidamada dowladda FS ku sugnaayeen.

Dadka degmadaas ku nool ayaa sheegay inay maqlayeen rasaas culus oo ay dhinacyadu is-weydaarsanayeen, isla markaana ay jiraan khasaare kala duwan uu gaaray labada dhinac.

Sidoo kale, xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay inay markii hore degmada ka soo galeen dhinaca waddada Aadda Baydhabo oo ay ku lahaayeen ciidammo ka tirsan kuwa dolwadda FS, iyagoo kaddib ay u suuro-gashay inay gudaha u galaan degmada.

Goobjoogayaal kale oo degmada ku sugan ayaa iyagana laga soo xigtay inay xoogaggii Al-shbaaab ku gubeen gudaha degmadaas gaadiid dagaal, halka Gaadiid kalena ay horay u sii kaxeysteen.

Dhanka kale, wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in mid ka mid ah kooxdii weerartay degmada Afgooye uu Is-qarxiyay, taasoo Argagax weyn gelisay Dadka ku nool Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Ugu dabmeyn, Guddoomiye ku xigeenka maamulka Degmada Afgooye ayaa Warbaahinta u sheegay iay iska caabiyeen Xoogaggii Al-shabaab, Balse ma uusan diidin in Al-shabaab ay muddo gacanta ku hayeen degmada.

Si kastaba ha haaatee, Xaalada Degmada Afgooye ayaa saakay kacsan, iyadoo Degmadaas ay gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo Baaritaano  ka wada Xaafadaha degmadaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya