4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 16, 2016
Dab Xalay Ka Kacay Suuqa Wadajir ee Magaalada Muqdisho

Talaado, Feberaayo 15, 2016 (HOL) - Suuqa Degmada Wadajir oo xalay dab uu ka kacay ayaa waxaa ku baaba’day hanti aan la ogeyn qiimaha ay ku fadhiday.

Guddoomiyaha Dagmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax oo wareysi siiyay Idaacda BBC-da ayaa xaqiijiyay in  qeyb ka mid ah suuqa oo lagu gado qalabka dhismaha guryaha ay gubatay.  Wuxuu intaa ku daray in dabku uu ka dhashay cillad koronto. Dabkaa ayaa waxaa la sheegay in ugu dambeyntii lagu guuleystay in la damiyo saqdii dhexe ee xalay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee goobaha ganacsiga ee Muqdisho uu dab ka kaco. In dhawaale, waxaa magaalada Muqdisho ka hawl galayay gawaari cusub oo dab damisyo ah oo badanaa si degdeg ah usoo afjara dababka kaca.