4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2016
RW Somalia oo Sharraxaad ka bixiyay Qodobada Dastuurka KMG ee wax laga bedelay (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 15, 2016 (HOL) — Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ay wehliyaan xubno Wasiirradiisa ka tirsan, ayaa maanta ka hor-jeediyay khudbad Baarlamaanka Somalia, isagoo faahfaahin ka bixiyay 10-ka cutub ee Dastuurka KMG ah ee Somalia oo isbadal lagu sameeyay.

RW Cumar ayaa xusay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay xaqiijinta Wada-tashi ballaaran oo lagu dhameeyo gabi ahaan Arrimaha u baahan Dib-u-eegista Siyaasadeed ee Dastuurka Qabyada ah ku jira; iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Gudaha iyo Dibaddana la dhagaysan doono ra’yigooda.

Sidoo kale, RW-ha ayaa sheegay in tobanka cutub ee ay soo Bandhigeen Guddiga ay tahay dib u eegis Farsamo oo kaliya ee aysan ku jirin Qaybaha Siyaasadda ee u baahan in Wada-tashi iyo heshiis siyaasadeed in laga gaaro.

"Tobanka cutub ee ay soo bandhigeen maanta guddiga la socodka Baarlamanka, waa dib u eegis farsamo oo kaliya kumana jiraan qeybta siyaasadda una baahan wada xaajood dhab ah oo ay ka qeyb qaataan dhammaan shacabka Soomaliyeed Qaybihiisa kala duwan oo ay laf-dhabar u yihiin Hay’adaha Dastuuriga ah iyo sidoo kale Maamul-goboleedyada, waxaa loo diyaarin doonaa, option paprers," ayuu RW Cumar ku yiri hadalkiisa.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo ka Hadlaya Ahmiyadda uu Dalka u leeyahay Dastuurku ayaa yiri. “Xukuumadaydu waxay xaqiijinaysaa ka qeyb qaadashada iyo tallaabooyinka ay bidhaaminayaan shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda Heer Federal iyo Heel Gobol si loo xaqiijiyo dastuur lagu wada-qanacsan yahay, la wada-leeyahay, kana tarjumayo rabitaanka, himilooyinka iyo yadadiilada shacabka Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, RW Somalia ayaa intaas ku daray in qabyo tirka Dastuurka uu ka mid yahay Waajibaadyada ugu Waa-weyn ee Hor-yaalla Xukuumadda iyo Golaha Shacabka. Isagoo mar kale yiri. "Xukuumadda Federaalka Somalia, iyadoo Gar-waqsanaysa Ahmiyadda iyo miisaanka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka dalka uu u leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, Xasilloonida Sayaasadeed ee dalka iyo Horumar dhaqaale oo waara, waxaan u magacaabay arrimaha dib-u-eegista Wasaarad u gaar ah oo leh hoggaan dhamaystiran."

Ugu dambeyn, Qodobbada dib u eegista lagu sameeyay ayaa kala ah: Qodobada 1-aad, 2-aad, 4-aad, 5-aad, 10-aad, 12-aad, 13-aad, 14-aad iyo 15-aad; kuwaasoo u badan Dhanka Farsamada ah. Waxaana dhawaan la billaabayaa Dib u eegis lagu Sameynayo Qodobbada dhiman, iyadoo la tashi lala sameyn doono dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya