4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2016
Hoggaamiyaha ugu Awoodda badan Mucaaradka dalka Uganda oo Maanta Muddo kooban la Xiray


Isniin, Feberaayo 15, 2016 (HOL) — Ciidanka Booliiska dalka Uganda ayaa muddo xiray maanta Hoggaamiyaha ugu awoodda badan Asxaabta Mucaaradka dalkaas, Kizza Besigye xilli uu ku gudo-jiray ololihiisa Doorashada Dalkaas oo lagu wado in ay dhacdo Khamiista soo socota.

Besigye ayaa dhowr jeer oo hore la xiray, kaddib markii eedeeyay dambiyo kala duwan oo uu iska fogeeyay, balse xariggiisa maanta ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo la xiro isagoo olole doorasho ku jira.

Sidoo kale, Besigye ayaa wuxuu ku guul-darreystay saddex jeer oo hore markii uu tartanka doorashada madaxnimo ee dalkaas la galay madaxweynaha xilligaan, Yoweri Museveni oo Uganda xukumayay muddo 30-sano ah.

Markii ay Ciidanka Booliisku Dalka Uganda sii daayeen Kizza Besigye ayaa wuxuu War-fidiyeenka ugu sheegay magaalada Kampala in la xiray isagoo la hadlayay qaar ka mid ah taageerayaashiisa oo dibadbax dhigayay.

Wararka laga helayo Kampala, ayaa sheegay in Kumannaan Ruux oo Taageeraya Besigye ayaa mudaaharaadyo waaweyn ka sameeyay waddooyinka caasimadda Uganda, iyagoo ka careysan xarigga ay booliiska u geysteen hoggaamiyahan.

Dhanka kale, saraakiisha booliiska Uganda oo wax laga weydiiyay xarigga Kizze Besigye ayaa waxay sheegeen in hoggaamiyahan aan la xirin, laakiinse la qabtay kaddib markii uu ku xad-gudbay amar ay soo saareen oo ahaa inaan isku socodka magaalada mashquul laga dhigo xilliga murashaxiintu ay dibadbaxyada sameynayaan.

Khamiista Toddobaadkan ayaa lagu wadaa in Waddanka Uganda ay ka dhacdo doorashada Madaxweynenimo ee Dalkaas oo ay u taagan yihiin Siddeed Murashax oo ay haweeney ka mid  tahay, uuna ka mid yahay Madaxweyne Museveni, iyadoo maanta ay ahayd Maalintii ugu dabmeysay ee ololaha murashaxiinta tartamaya.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha ugu Tunka weyn mucaaradka oo ah ninka ay sida aadka ah isku hayaan madaxweynaha dalkaas ayaa wuxuu horay dhakhtar gaar ah ugu ahaa Yoweri Museveni, inkastoo ay isku dhaceen markii Besigye uu lasoo baxay hami siyaasadeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya