4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2016
BALADWEYNE: Dhismaha Masaajidka Xaafadda Kooshin oo Meel Wanaagsan Maraya (SAWIRO)


Isniin, Feberaayo 15, 2016 (HOL) — Waxaa meel Wanaagsan Maraya dhismaha Masjidka Xaafadda Kooshin ee Magaalada Beledweyne oo ku yaalla Goob muhiim ah oo loo Qabay baahi-weyn in basjidkan oo kala hir-galiyo.

Qaar ka mid ah Guddiga Masaajidka oo HOL la hadlay sheegay in meel Wanaagsan ay soo gaarsiiyeen dhismaha Masaajidkan oo wali u baahan in laga taageero sidii loo dhameys-tiri lahaa, Madaama hadda kaalamada ugu badan ee lagu socodsiinayo laga helay qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Baladweyne iyo ehellada Dhulkan u waqfay Alle u ha u naxariistee, Dr. Xasan Macalin Gaab.

Guddiga ayaa si gaar ah ugu mahad-celiyay xaaska Alle ha u raxmadee Dr Xasan Macalin Gaab oo ay sheegeen inay ka hellaan qeyb ka mid ah dhaqaalaha illaa hadda lagu waddo dhismaha masjidka, iyaga dhinaca kale intaa ku darray haddii aan la helin kaalmo intaa ka badan ka cabsi qabaan in gabi ahaanba uu istaago dhismaha masjidka.

Dhulka Masaajidkaan uu ku fadhiyo oo dhinaca ku haya Waddada Laamiga ah ayaa Qiimo ahaan gaaraya $ 150, 000 oo doolar, laakiinse Ehellada Dhulkaan horay u lahaa ayaa gartay in loo badallo goob lagu cibaadeysto lagana dhiso masjidkan oo marka la soo dhameys-tiro ka mid noqon doona masaajida ugu waaweyn magaalada.

Haddaba; Haddii aad ka Qayb-qaadaneyso dhismaha Masaajidka Kaalmadaada kusoo Dir -Amaana Account - BWN -34162642, Ama la xiriir Guddiga Masaajidka oo kala ah; Xasan Ibraahim Xalane - 25261-5580669 ama Axmed Yuusuf Aadan, 25261-5564249, Maxamed Macalin Cabdi Suldaan, 25261-5564075.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya