4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2016
KENYA: Askar ka tirsan Ciidankii Kenya ee lagu dilay Xerada AMISOM ee Ceel-Cadde oo la Aasay


Isniin, Feberaayo 15, 2016 (HOL) — Laba askari oo ka mid ah askartii Kenya ee lagu dilay Saldhigga ciidamada AMISOM ee deegaanka Ceel-cadde oo gobolka Gedo ka tirsan bishii hore ee Jannaayo ayaa shalay iyo dorraad lagu kala aasay Deegaanno ka tirsan Kenya.

Askartan oo ka mid ahaa tiro ciidanka Kenya ka mid ah oo Somalia lagu dilay ayaa Waxaa lagu kala aasay deegaannadii ay kasoo jeedeen ee Siaya iyo Turkana; iyadoo lagu sheegay magacyadooda, Eliakim Omenda oo 29-jir ahaa iyo Ekalo William Lokwee.

Eliakim Omenda oo ka mid ahaa labadan askari ayaa Axaddii shalay waxaa lagu aasay Deegaanka Bondo oo ka Tirsan Siaya, iyadoo Aaskaan ay ka Qayb-galeen saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Kenya.

Major Johannes Chacha oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in askartan la aasayo ay ahaayeen geesiyaan hawl Qaran ku jiray markii la dilay, isagoo intaas ku daray inay ahaayeen dhallinyaro aad u da’yaraa.

“Labadan Askari waxay ahaayeen geesiyaan qadariya waayeelka, si wanaagsan ula dhaqma shacabka iyo askarta Kenya,” ayuu aaska ka sheegay Omenda oo ku daray hadalkiisa in tani ay murugo weyn ku tahay shacabka Kenya oo dhan.

Dhanka kale, Ekalo William Lokwee ayaa isna lagu aasay deegaanka Kalobeyei oo ku yaalla Galbeedka Turkana maalintii Sabtida, waxaana aaskiisa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen; xildhibaan Daniel Epuyo oo laga soo doorto galbeedka Turkana, Madaxa Waxbarashada, Margaret Kuchal iyo Patrick Losike oo ah xildhibaan laga doorto deegaankaas.

Hoggaamiyayaashan ayaa dhammaantood waxay ammaaneen askarta Kenya ee ku dhintay weerarkii Ceel-cadde, iyagoo xusay in askartan ay dhinteen iyagoo ku hawlanaa nabad-ilaalin ah, isla markaana aysan ka harayn Al-shabaab inta ay ka cirib-tirayaan.

“Waxaan xusuusan doonnaa dhammaan kuwa u taagan inay shacabka Kenya ka difaacaan cadowga, sida Askartan la aasayo oo kale, waxaana qiraynaa inay ku bixiyeen difaaceenna wixii ugu qaalisanaa oo ay haysteen oo ahayd naftooda,” ayuu Aaska ka yiri xildhibaan Daniel Epuyo.

Ugu dambeyn, Aaska Labadaan Askari ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli laga joogo muddo bil ah weerarkii deegaanka Ceel-cadde ay ku qaadday Al-shabaab, inkastoo Xukuumadda Kenya aysan weli sheegin tirada askarta weerarkaas kaga dhintay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya