4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2016
Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Yuhuudda Olmert oo uu Maanta u Billowday Xabsi Hal Sano ka badan


Isniin, Feberaayo 15, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Yuhuudda, Ehud Olmert ayaa maanta waxaa u bilalabatay 19 bilood oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay Laaluush qaadasho iyo is-hortaag uu ku sameeyey Cadaaladda.

Olmert oo 70-jir ah ayaa inta aan loo Taxaabin Xabisga Maasiyuhu oo ku yaalla Bartamaha Israa’iil, wuxuu baahiyay cajalad Fiidiyow ah oo uu ku sheegtay in uusan gelin wax dambi ah.

“Anigu Ra’iisul Wasaare ahaan, waxaa mas’uuliyadeyda ugu weyn ee i saarneyd ay ahayd ilaalinta shacabka Israa’iil. Maantana waad aragtaa inaan ahay mas’uul xabsi la dhigayo,” ayuu ku yiri Ehud Olmert cajaladiisa muuqaalka ah.

Sidoo kale, Ehud Olmert ayaa waxaa sannaddii 2014-kii lagu helay dambi ah in uu aqbalay Kumannaan Doollar oo laaluush ah oo uu ku qaatay Mashruuc dhisme oo looga Fulinayay magaalada Quddus ama Jerusalem, xilligaasoo uu ahaa Duqa magaaladaas.

RW hore ee Israa’iil ayay maxkamadi ku xukuntay xilli hore lix sano oo xabsi ah, laakiinse maxkamadda sare ee Israa’iil ayaa xukunkaas laashay, kuna soo koobtay 18 bil oo keliya.

Ugu dabmeyn, Maxkamadda Hoose ee Israa’iil ayaa Ehud Olmert xabsi dheeraad ah oo bil ah, Iyadoo Xukunkaan Dheeraadka ah u sababeysay is-hortaag uu cadaalada ku sameeyay, isagoo noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay oo RW kasoo noqda israa’iil xabsiga la dhigo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya