4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2016
SAWIRRO: Xarunta Irshaad oo Maanta Qabatay dood la xiriirta dhex-dhaxaad-nimada iyo Diinta


Isniin, Feberaayo 15, 2016 (HOL) — Xarunta Irshaad ee Aragti-is-dhaafsiga ayaa Maanta ku Qabatay Hoteelka SYL ee Muqdisho Aqoon-is-weydaarsi ku Saabsanaa Wacyi-galinta bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la isku dhaafsaday dood ku saabsan dhex-dhaxaadnimada iyo kaalinta ay ku leedahay xakamaynta ku talax-tagidda Diimeed.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay agaasimaha guud ee wasaarada Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta Somalia, Sheekh Maxamed Kheerow Aadam, Guddoomiyaha Majmaca Culummada Soomaaliyeed, Shiikh Yuusuf Cali Caynte, Wakiilo ka Gay’adda Culumada Soomaaliyeed, Afhayeenka Ahlusunna Waljamaaca, Odayaasha dhaqameed, Haweenka Dhallinyarada iyo Aqoon-yahanno badan oo ka kala socday Jaamacadaha dalka.

Furitaankii Dooddan ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyay ku-simaha agaasimaha Xarunta Irshaad, Dr. C/casiis Axmad Cali oo mahad-celiyay kasoo qaybgalayaasha, isagoo xusay in dooddu ku timid is-xilqaan bulshadeed si loogu Wacyi-galiyo bulshada ku dhaqanka dhax-dhaxaadnimada loogana digo afkaaraha la xiriira ku talaxt-agidda Diimeed.

Sidoo kale, Dr. C/casiis Axmed ayaa xusay in Xarunta Irshaad ay u taagan tahay sixitaanka Afkaarta qaldan iyo in lagu saxo Aqoon iyo Xikmad. Iyadoo Xarunta ay Dood-cilmiyeedka kusoo bandhigtay Daraasad la xiriirta Dhex-dhaxaadnimada iyo Kaalinta ay Diinteennu ku leedahay Xakamaynta ku talax-tagidda Diimeed.

Intaa kaddib, Waxaa hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Owqaafta, Shiikh Maxamed Kheerow oo sheegay in dhex-dhaxaadnimada looga baahan yahay dhammaan qaybaha kala duwan ee nolosha. Isagoo Xusay in inay Wasaaradu ka shaqeynayso barnaamijyo bulshada ku dhiirri-galinaya dhexdhaxaadnimada.

Afhayeenka Ahlusuna Waljameeca Sh. Cabdulqaadir Soomow oo hadal ka jeediyay dooda ayaa isna sheegay in dhexdhexaadnimada lagu dhaqmo, isagoo ka digay in lagu kadsoomo afkaaraha la xiriirta ku talax-tagidda Diimeed ee ka jira Bushada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaalyeed, Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo isagana ka hadalay kulanka ayaa ummadda uga digay dhibaatada Talax-tagidda Diimeed ee ka jirta Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, isagoo xusay habka lagu xalin karo inay tahay in lagu dhaqamo dhex-dhexaadnimada ay diinteenu qabto. Isagoo intaa ku daray in aan Janno lagu galayn Dilalka loo geysanaayo Dadka Muslimka ah ee Soomaaliyeed, Wuxuuna Hoosta ka xariiqay inaan lagu tilmaami karin Jihaad dagaallada lagu wado Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Dhanka kale, Waxaa Dooddaan ka Hadashay Guddoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Canab Xasan Cilmi, oo ku Hadlaysay magaca Haweenka Qaranka soomaaliyeed ayaa shacabka Soomaaliyeed waxay uga digtay fikirada Qaldan ee la xariira talax-tagida Diimeed. Iyadoo si gaar ah ugu baaqday in laga hortago lagana digo Dhamaan Afkaaraha Qaldan oo ay ka mid yihiin; In Shacabka la Qaldo iyadoo la Sheeganayo Shaar-diimeed.

Ugu dambeyntii, Waxaa isna hadlay, Agaasime ku xigeenka Xarunta Irshaad, Dr. C/Casiis Axmad Cali oo uga Mahad-celiyay Culummada iyo Aqoon-yahannada sida Wanaagsan ee ay aragtiyaha isku waydaarsadeen, isagoo sheegay inay sii wadi doonaan doodaha noocaan oo kale ah si ay u iftiimiyaan fahanka saxda ah si loo dhaqan-galisyo dhex-dhaxaadnimada.

Xarunta IRSHAAD, ayaa la Aasaasay bishii June 2015-kii, Waxayna ka shaqaysaa Wacyi-gelinta bulshada Soomaaliyeed si loo diyaariyo bulsho ka caafimaad Qabta fahamka qaldan iyo dhaqanka xun.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya