4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2016
WARBIXIN: Ciidanka AMISOM oo lagu eedeeyay inaysan Ilaalin Ammaanka Shacabka la Shaqeeya


Isniin, Feberaayo 15, 2016 (HOL) — Warbixin cusub oo laga Qoray Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM aysan difaacin dadka rayidka ah ee la shaqeeya.

Hay’adda Saferworld oo Warbixinta baahisay ayaa sheegtay in ka bixitaanka isaga baxeen ciidamada AMISOM Magaalooyinka Somalia Qaarkood ay khatar geysay Amniga Dadka ay wada-shaqayntu kala dhexeysay AMISOM iyo xukuumadda FS, waxayna hay’addu ugu baaqday Golaha Ammaanka ee QM inay soo saarto Qaraar faraya Ciidanka AMISOM inay ilaaliyaan rayidka sida gaarka ah ula shaqeeya.

Sunil Suri oo ah cilmi-baare ka tirsan hay’adda Saferworld oo ka hawlgasha illaa 20 Dal oo ay Somalia ka mid tahay ayay VOA-du Weydiisay Su’aal ahayd; In Hawl-gallada Millateri ee Somalia ka socda ay ka guulaysanayaan Al-shabaab iyo in kale, wuxuuna ku Jawaabay.

“Al-shabaab weli lagama Guulaysan, loogamana Guuleysan doono Qaabka Millateri ee ay ku Wajahayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, taas caddaynteeda waxaan aragnay maalmhii lasoo dhaafay saldhigyada ay ciidanka AMISOM ka baxayeen. Waxaynu ogaanay in Beesha Caalamku ay u arkeen in xalku yahay howlgalka ciidan ee ka dhanka ah Al-shabaab, balse taasi ma ahan xalka Somalia.”

Cilmi-baaraha ayaa waxaa kaloo la Weydiiyey su’aal ahayd; Waa maxay Sababta aysan Is-tiraatijyada Millateri aysan u noqon karin xal. ayuu ku jawaabay. “Sababtu waa… qodobka ugu muhiimsan ee halbowlaha u ah waa inuu amni abuuro hawl-galku, balse Amniga yuu u abuurayaa weeye su’aashu? Waxaa laga yaabaa inuu Ammaan u abuuray annaga ku sugan London iyo Wahsington, laakiin amniga muxuu uga dhigan yahay Soomaalida dalkooda ku sugan? Amnigau muxuu uga dhigan yahay marka aan ka fikirno qofka ku sugnaa degmada Marka ee loo dilay waxaad la shaqaysaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, kaddib markii ay dhawaan ka baxeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda magaaladaas.”

Sidoo kale, Sunil Suri ayaa sheegay in hannaanka Millateri uusan noqonin mid wax-tar leh, Sababtoo ah, buu yiri, Ammaan uma Abuurin Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo inta badan Mudnaanta Siinaynsa Amniga Caalamiga ah. Waxaa loo baahan yahay buu yiri in dadaal dheeri ah la sameeyo sidii loo xoojin lahaa Amniga shacabka.

Cilm-baaraha ayaa intaa ku daray. Inakstoo waajibaadka Ciidamada AMISOM uu yahay in ay ilaaliyaan rayidka, Haddana waxaa loo baahan yahay in si cad Golaha Amaanku ee QM u faro AMISOM inay si deg-deg ah u sugto Ammaanka Dadka la shaqeeya ee shacabka ah, gaar ahaan markii ay deegaanno ka qabsato Al-Shabab. Waana in Qaraar kasoo baxay QM lagu caddeeyaa arrintaas, waayo tani waxay ka hor-tagaysaa inay dhacdo dhacadii dhawaan ka dhacday degmada Marka.

Mar la weydiiyay waxyaabaha xalka u noqon kara xoojinta hay’adaha Amniga ee Somalia; Isagoo ku jawaabay. “Waxaa loo baahan yahay in sida ugu dhaqso badan looga fikiro sidii loo yareyn lahaa ku tiirsanaanta ciidamada ka socda waddamada Itoobiya iyo Kenya oo ka mid ah kuwa Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Khabiirkan ayaa Hadalkiisa raaciyay in haddii uu dheeraado joogitaanka Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Kenya ay joogaan Somalia waxay kordhin kartaa Xasaasiyada, waxayna fursad u noqon kartaa Al-shabaab oo hesha taageero ay dowladda kula sii dagaallami karaan.

Ugu dambeyn, Sunil Suri ayaa xusay inuu xalku noqon karo in Ciidamada ka socda Kenya iyo Itoobiya lagu beddelo ciidammo kale oo ka socda Dallaka ka fog Somalia, bakes xalka muddada fog waa in diiradda lagu saraa dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya