4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2016
Qarax uu ku Dhintay Wasiirkii Difaaca Dowladii KMG ee Somalia oo Maanta ka Dhacay Muqdisho


Isniin, Feberaayo 15, 2016 (HOL) — Muxyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumaddii RW Nuur Cadde, haddana ka mid ahaa xubnaha sar-sare ee Xisbiga Kulan ayaa lagu dilay maanta qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhacay agagaarka isgoyska Lambar Afar ee Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhow dhismaha Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa ahaa mid loogu xiray gaarigiisa sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehelladiisa iyo dad aad isugu dhawaayeen.

“Allaha u raxmadee, Waxaa qarax gaarigiisa loogu xiray lagu dilay Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulan, Muxyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim,” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Kulan, C/qaadir Maxamed Cismaan [Barjaamij] oo la Hadlay Warbaahinta.

Inkastoo, illaa hadda aysan jirin cid Sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxaan maanta lagu dilay mas’uulkan ayaa haddana waxaa inta badan Qaraxyada noocan oo kale ah ee Muqdisho ka dhaca sheegatay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Waxaa Qaraxaan ku dhaawacmay Ruux la sheegay inuu marxuumka la saarnaa gaarigiisa, kaasoo la sheegay in dhaawiciisu fudud yahay, loona qaaday Isbitaalka Madiina si loogu daweeyo; waxaana la sheegay in dhaawiciisu uu yahay mid culus.

Ugu dambeyntii, Qaraxyada Noocan ah ayaa Waqtiyadii dambe kusoo badanayay Xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, Waxaana goobta uu Qaraxa maanta ka dhacay gaaray ciidammo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM, kuwaasoo Qaraxaan u Qab-qabtay dhowr Qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya