4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2016
Isbitaalka Daryeel ee Kismaayo oo si Lacag la'aan ah Indhaha ugu Fiiqaya 400 oo Qof (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 15, 2016 (HOL) —Mashruucan oo ay iska kaashanayaa Isbitalka Al-nuur, Daryeel Hospital iyo hay’a’dda Al-basar ayaa ah mid indhaha loogu fiiqayo ku dhawaad 400 oo qof oo aan waxba ka arkin indhaha kuwaa oo ka kala yimid deegaanada Jubaland.

Dadkan indhaha loo fiiqayo oo u badnaa dad waayeelo ah ayaa intooda badan ah dad kazoo jeeda qoysas danyar ah oo awoodi waayay in ay tagaan goobaha caafimaad ee lacagta lagu bixiyo ee indhaha lagu fiiqo, ayadoo dhaqaatiirtu ay sheegeen in mashruucan socon doono mmudo sedex maalmood ah.

Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka socday Isbitaka Al-nuur kana mid ahaa dhaqaatiirtii indhaha fiiqeeysay ayaa sheegay in mashruucan uusan ku ekaan doonin hal mar balse sedex bil kasta ay ka fulin doonaan magaalada Kismaayo.

Dr. C/samad Abiikar Xaaji oo kamid ah dhaqaatiirta isbitalka Daryeel ayaa sheegay in ay soo dhaweeynayaan mashruucan indhaha loogu fiiqayo dadka danyarta ah, isagoo xusay in ay sii dhiirigelin doonaan sidii mashruucan uu u noqon lahaa mid joogto ah oo dadka danyarta ah ee aragga la’ lagu caawin doono.

Ugu danbeyn waxaa madasha ka hadlay Agaasimaha Isbitalka Daryeel Dr. Axmed Max’ed Xuseen (Cirro), isagoo ugu baaqay in bulshada ay ka faa’iideystaan mashruucan lacag la’aanta ah ee araga loogu fiiqiyo dadka aan wax arkin, wuxuuna u mahadceliyay dhaqaatiirta fulineeysa mashruucan iyo hay’adaha ka caawiyay in si lacag la’aan ah bulshada loogu adeego.

Dadkii indhaha loo fiiqay qaar kamid ah oo warbaahinta la hadlay ayaa ka mahadceliyay mashruucan lacag la’aanta ah ee uu fulinayo Isbitalka Daryeel ee magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya