4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2016
Baarlamanka oo la hor-dhigayo Maanta Qodobbo Dastuurka Somalia ka mid ah oo wax laga badalay


Isniin, Feberaayo 15, 2016 (HOL) — Baarlamaanka Soomalia ayaa waxaa la hor-geynayaa maanta qodobbo ka tirsan dastuurka dalka oo wax ka bedel lagu sameeyay, iyadoo kulanka baarlmaaanka oo ah mid aan caadi ahayn ay ka qaybgeli doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo dowladda ka tirsan.

Kulankan lagu soo bandhigayo wax ka bedelka dastuurka qabyada ah ee dalka ayaa waxaa ka qayb-geli doona qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha baarlamaanka maamullada dalka ka jira qaarkood.

Sidoo kale, Qodobbadan dastuurka qabyada ah ka tirsan ee isbedellada lagu sameeyay ayaa waxaa maalin ka hor Muqdisho uga dooday Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.

Dastuurka Qabyada ah ee Somalia ayaa Waxaa wax ka bedel lagu waday tan iyo markii la dhisay xukuumadda hadda jirta muddo saddex sano ka badan, iyadoo dib u eegista ay qayb ka tahay sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd.

Haddaba, Wixii kasoo kordha Warkan Waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE Ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya