4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2016
Madaxweyne Siilaanyo oo Xalay isku shaandheyn ku sameeyey Xubno ka tirsan Xukuumadiisa


Isniin, Feberaayo 15, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa xalay goor-dambe isku Shaan-dheyn ku sameeyey xukuumadda, isagoo qaarna xilalkii ka qaaday qaarna isku bedelay.

War-saxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Xuseen Deyr ayaa lagu sheegay in masuuliyiin iskugu jira wasiiro, Badhasaabyo iyo maareeyeyaal laga qaaday xilalkoodii, qaar kalena la isku shaandheeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu caawa Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3830/022016 uu Magacaabis, Xilka qaadis iyo Bedel ku sameeyey Masuuliyiin kala duwan”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

No

Magacaabid

Xil hore

Xil Cusub / Xil suge / Qaadis

1

Mudane, Cismaan Cabdillaahi  Saxardiid

Wasaradda Duulista

Wasiirka Warfaafinta

2

Mudane, Cabdillaahi Maxamed Daahir

Wasiirka Warfaafinta

Wasiirka Xannaanada Xoolaha

3

Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax

Wasiirka Xannaanada Xoolaha

Wasiirka Duulista Hawada

4

Mudane, Muuse Qaasim Cumar

Wasiirka Ganacsiga

Xil Suge

5

Mudane, Yaasiin Maxamed Shide

Guddoomiyaha Gobolka Sool

Xil Suge

6

Mudane, Xuseen Aadan Cige

Af-hayeenka Madaxtooyada

Wasiirka Ganacsiga

7

Mudane, Mawliid Maxamuud Ibraahin

Wasiir Ku-xigeen W. Xidhidhka Golayasha

Xil Ka Qaadis

8

Mudane, Cabdillaahi Maxamed Carey

Maareeyaha Madbacadda Qaranka

Xil Ka Qaadis

9

Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud

Wasiir Ku-xigeen W. Duulista

Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga

10

Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed

Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga

Wasiir Ku-xigen W. Qorshaynta

11

Mudane, Cabdi Yuusuf (Cabdi Wadad)

Wasiir Ku-xigeen W. Qorshaynta

Wasiir Ku-xigen W. Kalluumaysiga

12

Mudane, Naasir Ayjeex Jaamac

 

Wasiir Ku-xigenka W. X. Golayasha

13

Mudane, Maxamed X. Aadan Cilmi

Wasiir Ku-xigeen W. Kalluumaysiga

Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada

14

Mudane, Axmed Nuur Faahiye

Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada

Wasiiru Dawlaha W. Duulista

15

Mudane, Xamse Maxamed Cabdi

 

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley

16

Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley

Guddoomiyaha Gobolka Sool

17

Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cilmi Fahiye (Shamax)

 

Afhayeenka Madaxtooyada

18

Mudane, Siciid Saalax Shire

 

Maareeyaha Madbacadda Qaranka

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland