4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2016
Siilaanyo oo Magacaabay Guddi Sare oo Caawiya DADKA iyo Duunyada ay Abaaruhu Saameeyeen


Sabti, Feberaayo 13, 2016 (HOL) — Madaxweyne, Axmed Siilaanyo ayaa Maanta, Guddi Heer Qaran ah u Magacaabay Taakuleynta Dadka iyo Duunyada ay Saameeyeen Abaaraha Somaliland ka jira.

Guddidan waxa gudoomiye looga dhigay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Saylici,waxaanay xubnahani ka koobanyihiin  ganacsato iyo culimo, kuwaas oo loo xilsaaray taakuleynta iyo gaar gaar u fidinta dad iyo duunbaa ee ku dhaqan dadka abaaruhu ku dhufteen.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu wareegto Madaxweyne oo ay Sumadeedu tahay: JSL/M/MG/083-3825/022016 ku Magacaabay Gudi heer qaran ah oo u Xil-saaran abaaraha dalka ka jira, Guddigaas oo uu Gudoomiye u noqon doona Madaxweyne ku xigeenka Somaliland,” ayaa lagu xusay War-saxaafadeed Xafiiska Madaxweynaha kazoo baxay oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr.

Waxaanu qoraalkaasi lagu shaacinayey ujeedadda Guddigan Heerka Qaran ah ee Abaaraha lagu yidhi. “Sida aad la socotaan, Waxaa dalka ka jira abaaro ba’an oo waxyeelo u gaystay xoolihii, daaqii iyo dadkiiba. Sidaas darteed, waxa daruuri ah in gurmad Bani’aadanimo oo degdeg ah la gaadhsiiyo Bulshada Somaliland ee ay abaaruhu sameeyeen.

Haddaba, waxaan idiin magacaabay inaad noqotaan Guddida u xilsaaran isku-dubarididda qaaraan ururinta dadweynaha iyo qorshaynta kaalmada la gaarsiinayo dadkaas tabaalaysan, waxaana gudoomiye idiin noqonaya; Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland. Waxaan idinka rajaynayaa in aad hawshaas xil mug leh iska saari doontaan.”

Xubnaha Gudida Madaxweynuhu Magacaabay waxa ka mid ah:

1. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
2. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed
3. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadd Marwo Samsam Cabdi Aadan
4. Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr. Muuse Qaasim Cumar
5. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami
6. Xog-hayaha Golaha Wasiirrada, Mudane Sharmarke Axmed Muxumed
7. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Muddane Maxamed Shukri Jaamac
8. Mudane, Farxaan Liibaan Axmed,    Mudane, Maxamed Cali Maxamed
9. Mudane, Cabdiraxmaan Faarax Xarbi
10. Mudane, Cabdi-wahaab Maax Maxamed
11. Mudane, Cabdiraxmaan Cali Cabdi
12. Sheekh,  Ciise Maxamuud Cabdillaahi
13. Sheekh, Cawil Faatax Shire
14. Sheekh, Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi
15. Sheekh, Maxamed Aadan Muxumed
17. Sheekh, Xasan Cabdi-salaan Sheekh Cali

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Somalilnad ayaa sheegtay in Abaartani Saamaysay hal Milyan oo qof, Waxaana dad iyo duunyaba ku tabaalaysan yihiin deegaanadii ay abaartu ka dhacday, kuwaas oo u baahan gurmar deg deg ah.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland