4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2016
DANJIRE MADEIRA: Waa in SOMALIA loo dhiso Ciidan Awood leh oo Amniga Hanta (SAWIRRO)


Sabti, Feberaayo 13, 2016 (HOL) — Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Francisco Madeira ayaa ku baaqay in ciidan awood leh oo amniga hanta loo dhiso Somalia, isagoo Dowladda Federaalka, Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidanka AMISOM ugu baaqay inay kaalin ka qaataan dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Danjire Francisco Madeira ayaa sidoo kale ku baaqay Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay yeeshaan iskaashi Wada-shaqeyneed oo buuxa si looga Gudbaan Caqabadaha ku hor-gudban dib u soo celinta nabadda iyo xaasilloonida guud ee Soomaaliya.

Hadalkaan, ayuu Wakiilku ka jeediyay kulan uu Toddobaadkii hore Muqdisho kula Qaatay Taliyeyaasha Qaybaha Hawl-galka Ciidamada AMISOM ee Somalia, kaasoo looga dooday Ammaanka Soomaaliya, ayna Goob-joogayaal ka ahaayeen Saraakiisha ciidamada Somalia iyo kuwa hay’adaha Amniga dalka.

“Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed way og-yihiin dhibaatooyinkii uu dalkoodu soo maray, Sidaa daraadeed, si loo burburiyo Argagaxisada Waddankanna Nabaddii hore loogu soo celiyo waa in xil weyn la iska saaro dhismaha ciidamo Awood leh oo hanta Ammaanka guud ee Somalia,” ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.

Sidoo kale, Danjire Madeira ayaa xusay in aanay Muhiimadda ugu weyn ahayn xilligaan in lagu guuleysto dagaallada lagula jiro Al-shabaab, laakiinse waxaa loo baahan yahay in laga fikiro isbedello lagu sameeyo xoojinta Ammaanka Mustaqbalka Soomaaliya.

“Ciidammo Soomaaliyeed oo awood leh, Tababaran, isla markaana aad u qalabeysan oo ay Caawinayaan Ciidamada AMISOM ayaa ah tan keliya ee lagu gaari karo in Soomaaliya oo dhan ay soo gasho gacanta Dowladda federaalka ah, Al-shabaabna laga saaro Deegaannada ay gacanta ku hayso… Ciidamadaasoo ah kuwa la Wareegi doona Amaanka guud ee Dalka Somalia markii uu dhamaado xilliga howlgalka ciidamada AMISOM,” ayuu Hadalkiisa ku daray Danjire Madeira.

Ergaygu, Wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka Somalia, AMISOM iyo Saaxiibada Beesha Calaamka ay ahmiyad weyn siinayaan sidii ciidammo Soomaaliyeed oo Awood leh loo dhisi lahaa.

Ugu dambeyn, Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay Somalia u joogaan sidii ay u caawin lahaayeen Dowladda federaalka Somalia si waddanka oo dhan looga dhigi lahaa mid nabadoon oo ay xasillooni buuxda ka jirto.

“Ciidanka AMISOM ma ahan kuwo si Awood ah ku jooga Somalia, laakiin waa Ciidammo ka caawinaya Dowladda Somalia sidii Waddanka loo xasilin lahaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ka difaacaya cadowga. Sidaas daraadeedna waa inaan cadowga ka adkaanno oo burburino,” ayuu kusoo gaba-gabeeyay hadalkiisa Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya