4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2016
Danjiaha Jabuuti u fadhiya Somalia iyo Saraakiil Ciidan oo Baladweyne gaaray Maanta (SAWIRO)


Sabti, Feberaayo 13, 2016 (HOL) — Safiirka Dalka Jabuuti u jooga Somalia, Dayib Dubad Rooble oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka hawl-galka Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Somalia ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne.

Soo dhaweyn kaddib, ayaa Safiirka iyo wafdigiisu waxay Kulammo kula Qaateen Xarunta gobolka mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo saraakiil ciidan, gaar ahaa kuwa Jabuuti ka socda ee Qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulanka kaddib, Waxaa si Waddajir ah Warbaahinta ula hadlay Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar iyo Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble oo faahfaahin ka bixiyay ujeedka socdaalka isaga iyo wafdigiisu ay ku yimaadeen Baladweyne.

Danjiraha ayaa xusay in safarkooda uu la xiriiro u kuur-galida xaaladda ciidanka Jabuuti ee ku sugan Beledweyne iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan iyo sida ay u socdaan Hawl-gallada ay kawadaan gobolka, Maadaama sida uu sheegay dhawaan is-beddel lagu sameeyay Qaar ka mid ah ciidamada iyo Saraakiisha Jabuuti.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa sheegay in dowladda Jabuuti gacan ka geysan doonto dhismaha maamulka gobollad Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar ayaa Ammaanay kaalinta ciidamada Jabuuti ay ka Qaadanayaan guud ahaan marka la eego howlgalka nabad ilaalinta, isagoo dhinaca kalana xusay in ciidammada Jabuuti mudadii ay joogeen Gobolka gacan weyn ka geysteen arrimaha bani'aadannimmada iyo dib u dhiska goobaha muhiimka ah u adeega bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya