4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2016
Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo ka Qayb-galaya Shir-weynaha Munich


Sabti, Feberaayo 13, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa ka Qayb-galay Shirka looga Hadlayo Ammaanka iyo Xasaradaha Dunida ee ka socda magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Shirkan oo ah kii 52-aad ee la qabto ayaa waxaa ka qayb-galaya 30 Hogaamiye oo Dunida Dacalladeeda ka socda iyo 70 Wasiirro Arrimo Dibadbadeed, waxaana inta shirku u socdo lagu lafa-gurayaa colaadaha ka jira Waddamada Caalamka Qaarkood.

Qodobbada Muhiimka ah ee Shirkaan looga hadlayo waxaa ka mid ah Xasilloonida dalalka ka Hooseeya Saxaaraha Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya, Qoxootiga ku qul-qulaya Yurub, Dagaalka dalka Suuriya iyo weliba Ammaanka Yurub.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu shirkan ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo Horumarka dhanka Amniga ah ee Somalia ay ku Tallaabsatay iyo Weliba Amniga Guud ee Waddamada Geeska Afrika.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa Shirkaan ku Wehlinaya Xubno ka tirsan golayaasha Xukuumadda Somalia, kuwaasoo uu ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaam Hadliye.

Ugu dambeyn, Waxaa inta uu shirkaan socdo lagu bar-bar qaban doonaa shir kale oo looga Xaajoonayo Waddamada ay Colaaduhu ka jiraan iyo weliba horumarrada illaa hadda ay ku tallaabsadeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya