4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2016
Dad loosoo Xir-xiray Tuhunno la Xiriira Qarax aan Waxyeello geysan oo ka dhacay Kismaayo
Sabti, Feberaayo 13, 2016 (HOL) —Ciidamada nabadsugidda Jubaland ayaa howlgallo dad badan lagu soo qabqabtay ka sameeyay xaafadda V-afmadow halkaas oo uu saaka ka dhacay qarax loo dhigay ciidamo ka tirsan kuwa Brundi, walow qaraxaasi uusan wax qasaaro ah geeysan.

Ciidamada ayaa la arkayay saaka iyagoo howlgallo ballaaran ka sameeynayaa agagaarka halkii uu qaraxu ka dhacay, waxayna howlgalladaasi kusoo qabqabteen dad badan oo la tuhunsanyahay in ay ku lugleeyihiin falkaasi.

"Qaraxa wuxuu ka dhacay dalcadda V-afmadow, ciidamo Brundi oo meesha marayay ayaa loo dhigay, laakiin markii ay gudbeen ayuu qarxay," sidaa waxaa yiri goobjooge magaciisa ka gaabsaday oo HOL u waramay.

Dadka ay ciidamadu soo qabqabteen ayaa la geeyay saldhigyada ciidamada danbi baarista Jubaland ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo, waxayna mari doonaan baaritaanno la xiriira falalka lagu tuhunsanyahay.

Goobta uu qaraxan ka dhacay oo ka tirsan xaafadda V-afmadow, gaar ahaan  wadada aadda dhanka Airportka ayaa ah goob ka yara baxsan magaalada, ayadoo qaraxii kan ka horeeyay talaadadii aynu kasoo gudubnay  uu ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan nawaaxiga garoonka diyaaradaha.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.