4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2016
DUQA MUQDISHO: Qorshe Amaanka Magaalada Muqdisho aanu wax uga Qabanayno ayaa Socda


Sabti, Feberaayo 13, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inay Wadaan Qorshayaal ay wax uga qabanayaan Ammaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo Muddooyinkii u dambeeyay Muqdisho ay ka dhacayeen dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in ay Muqdisho dib u soo kabaneyso, isagoo intaas ku daray in ay billaabeen qorshe dib loogu dhisayo, kaawaasoo uu ugu magac-daray dalkaaga ku dhiso Hal Doollar.

“Amniga walwal badan ayuu nagu hayaa, waxaa aamin-sanahay inay magaalada Muqdisho tahay magaalada ee Dunida oo kobocu uu ku socdo, Waxyaabaha dhacaya qaarna waxaanu kala simannahay Adduunka, mana ahan wax innaga oo keliya noo gaar ah,” ayuu yiri Duqa Muqdisho oo wareysi siinayay VOA-da.

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay inay xayn-daabkii u dhaxeeyay hay’adaha Ammaanka iyo Gobolka Banaadir ay meesha ka saareen, isla markaana ay Rajo ka qabaan in Shacabka iyo maamulka oo isku duuban ay Ammaanka Caasimadda Kawada shaqeeyaan.

“Hay’adaha Ammaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir Xayn-daabkii u dhaxeeyay waan qaadnay. Shacabka, maamulka gobolka iyo laamaha amaanka way wada-shaqeyn doonaan, waxaana billownay kulamo arrintaas ku saabsan, Waxaa isugu keenay hay’adihii Amniga – sida; Booliska, Guddoomiyeyaashi Degmooyinka iyo Nabad-sugida, Waxaan rajeynaynaa in wax laga qabto Ammaanka, Shacabkana uu kaalintiisa qaado, Hay’adaha Ammaanka si hufan ayay shaqeeyaan, Annagana aan is-garab taagno, Ammaanka in wax laga qaban karo ayaanan aaminsahay,” ayuu guddoomiyaha gobolka Banaadir hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Muqdisho ayaa Waxaa ka dhaca mararka Qaar Dil Qorsheysan iyo Qaraxyo loo geysto Xubno ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, laakiinse wuxuu Duqa Muqdisho ku Adkeysanayaa in Ammaanka Caasimadda Soomaaliya ay wax ka qaban doonaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya