4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2016
Doorashada Todobaadkan ka dhacaysa Uganda oo laga baqayo in Rabshado ay Hareeyaan


Sabti, Feberaayo 13, 2016 (HOL) — Iyadoo lagu wado in toddobaadkan ay ka dhaco dalka Uganda doorashada madaxnimo, ayaa waxaa laga baqdin qabaa in ay rabshado iyo colaado hareeyaan doorashada la filayo inay ka dhacdo Uganda.

Waxaa shaki badan laga qaaday markii laga soo xigtay Taliyaha Booliiska Ddalka Uganda, Kale Kayihura ay wargeysyada dalka Uganda kasoo xigteen in xubnaha mucaaradka ah ay doonayaan inay colaad abuuraan inta doorashadu socoto.

Sidoo kale, cabsida ayaa waxaa sii xoojiyay markii Idaacadaha Uganda ayaa sii daayay war laga soo xigtay Xog-hayaha Guud ee xisbiga NRM haya hoggaanka Dalka Uganda, Kasule Lumumba oo ku Han-jabay in la dilay Shacabka haddii ay dabaal-dagyo sameeyaan inta ka horreysa natiijada doorashada.

Hadalka labadan mas’uul ee Kayihura iyo Lumumba ay hanjabaadda jeediyeen ayaa waxay tani xoojisay baq-dinta ay shacabku ka qaadeen, inkastoo Mas'uuliyiinta ay sheegeen in loo turjumay hadalkooda si ka duwan sidii ay u yiraahdeen.

Madaxa barnaamijyada hay’adaha xuquuqda aadanaha ee dalka Uganda, Patrick Tumwine ayaa sheegay inay hadaladan yihiin kuwo cabsi lagu gelinayo shacabka ku nool Uganda.

“Guddiga doorashooyinka Uganda haddii aysan hadalladan jawaab ka bixin, Taasi waxay u Muuqanaysaa in la Caburinayo Xubnaha Mucaaradka ee doonaya in ay u Tartamaan Xilka madaxnimo ee Uganda, Waayo Xoghayaha guud ee xisbiga NRM ee talada haya hadalkiisa waa mid khatartiisa leh, wuxuu ku yiri Shacabka waan  dilaynaa, Taasina waa Hanjabaad,” ayuu yiri Patrick Tumwine.

Dhanka kale, Saraakiisha booliiska Uganda ayaa waxay ku andacoonayaan inay si khaldan saxaafaddu u turjuntay hadalladooda u tabisay warbaahinta, iyagoo sheegay in tani ay qayb ka tahay qorshayaal la doonayo in dalka lagu geliyo colaado.

“Runtii inagu cid walba waan la kulananay waxaan kala hadalnay in doorashadu ay noqoto mid si Ammaanka ah ku dhacda, Howsheenuna waa inaan Ammaanka adkeyno,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Uganda Fred Enanga oo warbaahinta la hadlay.

Maalinta Khamiista ah ee soo socota aya lagu wadaa in doorashada madaxnimo ee Uganda ay dhacdo, iyadoo ay ku tartamayaan Siddeed murashax oo uu ku jiro madaxweynaha xilka Uganda haya, Yoweri Museveni oo uu Loollan adag kala dhexeeyo Laba Murashaxiinta ku Tartamaya magaca Mucaaradka.

Ugu dambeyn, Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha Maxalliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ayaa Waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni inay ilaaliyaan Xuquuqda Aadanaha inta doorashadu socoto, lagana fogaado wax walba oo rabshado & colaad abuuri kara.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya